Madaxweynaha Jaad Oo Ku Hanjabay in Ciidamadiisa Ka Dagaallamaya Wadanka Mali Uu lasoo Bixi Doono.

Wednesday July 12, 2017 - 12:41:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jaad Oo Ku Hanjabay in Ciidamadiisa Ka Dagaallamaya Wadanka Mali Uu lasoo Bixi Doono.

    Dowladda dabadhilifka ah ee kajirta wadanka Jaad ayaa ku hanjabtay in ay ka bixi doono dhammaan isbahaysiyada ay kula jirto xulufada faransiiska haddii aan dhaqaale xooggan lasiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

idiris deebi ayaa dabadhilif u ah Faransiiska
Dowladda dabadhilifka ah ee kajirta wadanka Jaad ayaa ku hanjabtay in ay ka bixi doono dhammaan isbahaysiyada ay kula jirto xulufada faransiiska haddii aan dhaqaale xooggan lasiin.

Madaxweynaha wadanka Jaad Idiris deebi ayaa warbaahinta u sheegay in kumanaan katirsan ciidamadiisa uu kalasoo baxi doono wadamo ay kamid yihiin Mali,Kaamiruun,Niger iyo Naigeria.

Deebi ayaa Ururka midowga Afrika iyo M.midoobe ku eedeeyay in wax weyn aysan ka qaban faqriga iyo mashaakilka dhanka dhaqaalaha ah ee bilihii dambe kajiray gudaha wadanka Jaad wuxuuna sheegay in meel xun uu marayo wadankiisa islamarkaana reergalbeedku ay ku fiirsadeen dhibaatada dhaqale.


"maheli wax taageero maaliyadeed iyo mid dhaqaale ah xilli xaalad daran oo dhanka nolosha iyo dhaqaalaha ah uu wadankeenu wajahayo, hadii xaalku sidaan sii ahaado Jaad waxay ku qasbantahay in ay ka baxdo dhammaan howlgallada ay uga jirto qaaradda Afrika” sidaas waxaa yiri madaxweyne idriis deebi uu u warramay wakaaladda wararka Faransiiska.

dowladda Jaad ayaa duullaanka Gardarrada ah ee dalka Mali lagu qaaday uga qeyb qaadanaysa ciidan dhan 1390 askari waxayna qeyb ka tahay ciidamada ku howlgala magaca Q.midoobe, sidoo kale Jaad ayaa 2000 oo askari uga qeyb qaadanaysa isbahaysiga ku duulay wadamada Nigeria iyo Kaamiruun iyadoo dagaalka Nigeria ku biirtay sanaddii 2015.


Idiris deebi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Suurtagal ma ahan in aan meel walba joogno sida Kaamiruun,Maali,Nigeria iyo Naijer, dhaqaale badan ayaa ku baxaya howlgalladaas annaguna ma isbixin karno”.

Xukuumadda dabadhilifka Tashaad ama Jaad waxaa ku ugaarsada Faransiiska oo horay usoo gumeystay wadankaasi balse waxay wajahaysaa caqabado dhanka maaliyadda iyo dhaqaalaha ah arrinkaas ayaa larumeysanyahay in uu cabaqad ku yahay isbahaysiga ashahaadda ladirirka ah oo ay dhiseen Faransiiska iyo Mareykanka.

dhinaca kale wasaaradda difaaca ee wadanka Jaad ayaa ka meermeeraysa in ay ciidamo ku biiriso isbahaysiga cusub ee loogu magac daray "ciidanka saaxilka’ oo ay ku mideysanyihiin inta badan dowladaha dhaca mandiqadda galbeedka qaaradda afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items