Faah Faahin: Qarax Ay Ku Hoobteen Ciidamo Caddaan iyo AMISOM Ah oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Wednesday July 12, 2017 - 17:57:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Qarax Ay Ku Hoobteen Ciidamo Caddaan iyo AMISOM Ah oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

    War hadda nagasoo gaaray duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday kolonyo ciidamo Afrikaan iyo Caddaan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan Katirsan Ciidamada AMISOM ayaa duullaan ku jooga Somalia
War hadda nagasoo gaaray duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday kolonyo ciidamo Afrikaan iyo Caddaan ah.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in qarax weyn uu qabsaday kolonyo ciidamo ah oo ka yimid dhanka magaalada Muqdisho kunasii jeeday garoonka diyaaradaha Balidoogle 

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay Koontaroolka Siinka dheer waxaana burburay gaadiid farabadan oo ay la socdeen ciidamada Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanka ah iyo ciidamo kale oo katirsan AMISOM.


Warar hordhac ah waxay sheegayaan in gaadiidka ku burburay qaraxa ay kamid yihiin gaadiid ay la socdeen saraakiil Caddaan ah, gaadiid farabadan oo saad usiday garoonka Balidgoogle ayaa ku gubanaya goobta weerarku ka dhacay, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo Soomaali ah oo ku sugnaa Koontaroolka Siinka dheer ay ku halaagsameen qaraxa.


war rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ku sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus waxaa qaraxa ku hoobtay ciidamo Caddaan iyo Afrikaan ah, Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in Kolonyada la beegsaday xilli ay taagnaayeen koontaroolka Siinka-Dheer ee duleedka Muqdisho, Islamarkaana lagu qarxiyey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo goobta ku diyaarsanaa, Kolonyada la weeraray ayaa ka koobnaa ciidamo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta iyo kuwa cadaan ah oo ka tirsan shirkadda Bancroft ee taageerada military u fidisa ciidamada Kufaarta Afrikaanta” ayaa lagu yiri war lagu baahiyay website-ka idaacadda Andalus.

Jugta qaraxa oo aad u xooganaa ayaa laga maqlay Siinka dheer illaa iyo degmooyinka dhaca galbeedka iyo Koonfurta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


La soco wixii soo kordha

Related Items