Weerar Madaafiic Ah oo Lagu Qaaday Saldhigga Ciidanka Itoobiya Ee Degmada Garbahaarey.

Thursday July 13, 2017 - 08:53:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic Ah oo Lagu Qaaday Saldhigga Ciidanka Itoobiya Ee Degmada Garbahaarey.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Itoobiya.



Xalay Maqribkii ayay ciidamada Xarakada Al Shabaab weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen saldhig melleteri oo ciidanka Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Dad ku sugan Garbahaarey ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda waxaana xigay rasaas ay fureen ciidamada Itoobiyaanka ah ee weerarka lagu qaaday.



Madaafiicda lagu  weeraray saldhiga Itoobiya ee Gedo  ayaa lagu soo warmaayaa in ay haleeleen bartilmaameedyadii gaarka ah ee labeegsaday, taas oo shaki la’aan ka dhigeysa in khasaaraha gaaray uu yahay mid culus.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin saraakiisha ciidanka Itoobiya iyo maamulka DF-ka ee Gedo oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka ka dhacay Garbahaarey.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items