Xoogaga Al Shabaab Oo Fashiliyay Weerar Ay Ciidamo Mareykan Ah la damacsanaayeen Degmada Kuunyo Ee Sh/Hoose [Warbixi].

Thursday July 13, 2017 - 16:49:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Al Shabaab Oo Fashiliyay Weerar Ay Ciidamo Mareykan Ah la damacsanaayeen Degmada Kuunyo Ee Sh/Hoose [Warbixi].

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya weerar fashilmay oo ciidamo Mareykan ah ay xalay isku dayeen in ay ku qaadaan degmo katirsan Sh/Hoose oo shareecada Islaamka lagu maamulo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya weerar fashilmay oo ciidamo Mareykan ah ay xalay isku dayeen in ay ku qaadaan degmo katirsan Sh/Hoose oo shareecada Islaamka lagu maamulo.



Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay ka hortageen islamarkaana fashiliyeen weerar ciidamo ah American ah ay ku  qaadeen degmada Kuunya-barow oo uu ay marto wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Islaamiga ee Wilaayada Sh/hoose ayaa Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha u sheegay in ciidamo American ah oo wata laba diyaaradood oo helicopters ah ay weerar dhuumaaleysi ah ku soo qaadeen degmada Kuunya-barow si ay u carqaladeeyaan Amniga dadka Muslimiinta ah ku naaloonayaan.



Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidamada oo isugu jiray caddaan iyo Afrikaan ay ku dagaan meel 4 KM ujirta magaalada kadibna ay halkaasi madaafiic ka tuureen mana jirin wax intaas dhaafsiisan oo ka dhacay duleedka Kuunya Barroow.

"Allaah fadligii Ciidamada Mujaahidiintu waxay xaley fashiliyeen weerar Inzaal American ah oo ay soo qaadeen ciidamada Mareykanka. Mujaahidiinta oo markii horeba hayey xogta iyo dhaq-dhaqaaqyada cadowga ayaa ka hortagay weerarka islamarkaana fashiliyey taas oo keentay in cadowga uu ka cararo goobta isagoo aanan gaarin hadafkiisa” sidaas waxaa Idaacadda Andalus u sheegay mid ka mid ah Mas’uuliyiinta maamulka.

Ciidamada cadowga ayaa markii ay ogaadeen in laga warhelay sidoo kalena ay dareemeen dhaq-dhaqaaqyada Mujaahidiinta, waxay Hoobiyeyaal ka soo tuuraan duleedka magaalada taas oo keentay in uu sii fashilmo howlgalkoodii qarsoodiga ahaa ee ay halkaasi ka damacsanaayeen..

lamasoo sheegin haba yaraatee  wax khasaare ah oo ka dhashay duqeynta hoobiyaha ah ee cadowga uu ka geystay deegaanka, goob joogayaal ayaa sheegay in madaafiicda ay tuurayeen ciidamada huwanta ah ay ku dhaceen dhul cidla ah oo cidna aysan deganeyn  sidaas ayayna dadka deegaanku uga nabad galeen shartii lala damacsanaa.

Weerarkan waa midkii labaad oo sanadkan gudahiisa ay fashiliyaan Ciidamada Xarakada SHM, Horaantii bishii May ee sanadkan waxay Mujaahidiintu ka hortageen weerar midkan la mid ah oo cadowga uu ku soo qaaday deegaanka Daara-Salaam ee Wilaayada Sh/hoose waxaana weerarkaas oo lagu dilay sarkaal American ah laguna dhaawacay kuwo kale.

Mareykanka ayaa xilligaas qirtay in uusan xaqiijin hadafkii weerarka, lagana dilay hal askari, sidoo kalena laga dhaawacay saddex kale, fashilka howlgallada Mareykanka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa loo aanaynayaa baraarugga iyo Feejignaanta sare oo ay kujiraan xoogaga Al Shabaab iyo dhaq dhaqaaqyada ciidamada huwanta ah oo si aad ah loola socdo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items