Saldhigga Ciidanka Kenya Ee Ceel-Raam oo Markale Weerar Kala Kulmay Al Shabaab.

Thursday July 13, 2017 - 16:26:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Ciidanka Kenya Ee Ceel-Raam oo Markale Weerar Kala Kulmay Al Shabaab.

    Wadanka Kenya waxaa lagasoo sheegayaa weerar hor leh oo lala beegsaday saldhig melleteri oo kuyaal gobolka NDF ee Kenya Waqooyi Bari ubixisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Kenya waxaa lagasoo sheegayaa weerar hor leh oo lala beegsaday saldhig melleteri oo kuyaal gobolka NDF ee Kenya Waqooyi Bari ubixisay.


Wararka ka imaanaya Waqooyi Bari ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday deegaanka Ceel Raam oo hoos yimaad deegaanka Ceel-Waaq halkaas oo ay ku suganyihiin boqolaal katirsan melleteriga Kenya ee duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay Maqleen jugta madaafiic lagu garaacayay saldhigga kadibna waxaa xigay qarax kolonyo ciidan ah lala beegsaday xilli ay ku socdaalayeen waddo Jidcadda ah.


Weerarka naga soo gaaraya gobolka gumeysiga ku hoosjira ee NFD ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab  ay qarax xoogan la eegteen Kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya xilli ay marayeen wadada isku xirta deegaanada Ceel-Raam iyo Ceelwaaq-Kenya ee taabacsan degmada Mandheera.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxa lala eegtay gaari Koyal ah oo ka mid ahaa Kolonyada, Islamarkaana uu halkaas ku burburay. Askartii saarneyd gaariga ayaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa

Waa Weerarkii 2-aad oo isbuucan gudihiisa ka dhaca deegaanka Ceel-Raam balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska melleteriga Kenya oo ku aaddan khasaaraha kasoo gaaray weerarada soo noq noqday ee ciidamadooda lagu qaaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items