Saraakiil Katirsan Maamulka 'Koonfur Galbeed' Oo Lagu Dilay Duleedka Magaalada Xudur.

Thursday July 13, 2017 - 19:25:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Katirsan Maamulka 'Koonfur Galbeed' Oo Lagu Dilay Duleedka Magaalada Xudur.

    Weerar Gaadma ah oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Bakool ayaa gallaaftay nolosha saraakiil katirsan dowladda Federaalka shisheeye kal kaalka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar Gaadma ah oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Bakool ayaa gallaaftay nolosha saraakiil katirsan dowladda Federaalka shisheeye kal kaalka ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar gaadma ah oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Al Shabaab lagu dilay ugu yaraan laba sarkaal oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ee Fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Wariye ku sugan gobollada Bay iyo Bakool ayaa soo sheegay in weerar ka dhacay duleedka magaalada Xudur lagu dilay laba sarkaal oo caan ka ahaa gobolka Bakool islamarkaana wada shaqeyn wanaagsan lalahaa ciidamada Xabashida itoobiya.


Ciidamo katirsan Al Shabaab ayaa saraakiisha ku toogtay meel ku dhow deegaanka Teeda oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bay.

War kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in laba sarkaal ladilay islamarkaana laga furtay hub iyo agabyo kale oo melleteri "Mujaahidiinta ayaa laba sarkaal oo katirsan Murtadiinta ku dilay duleedka Xudur waxaana laga qaniimeystay hub,qalab isgaarsiineed iyo Mooto" sidaas waxaa yiri wariye Al Shabaab katirsan oo idaacadda Andalus ka hadlay.

Magaalooyinka Xudur iyo Waajid oo katirsan gobolka Bakool waxaa kajirta xaalad adag kadib markii muddo ku dhow 4 sanadood lasaaray hareereyn raagtay waxaana adag iyo raashin iyo saad melleteri uu ugalo ciidanka Itoobiya iyo kuwa Maamulka Shariif Sakiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items