[Warbixin] Sidee Udhacay Weerarkii Halyaynimo Ee Masjidka Al-Aqsaa iyo Jawaab Celinta laga Bixiyay.

Saturday July 15, 2017 - 20:52:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Warbixin] Sidee Udhacay Weerarkii Halyaynimo Ee Masjidka Al-Aqsaa iyo Jawaab Celinta laga Bixiyay.

    Barxadda masjidka barakeysan ee Al-Aqsa wuxuu maanta martigeliyey malxamad adag oo dhexmartay Halyeeyo naftood hurayaal ah iyo Ciidamada Yahuudda taas oo galaafatey nolosha dhowr ka mid ah askarta Yahuudda, Halyeeyaduna ku gaareen wixii ay raadinayee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barxadda masjidka barakeysan ee Al-Aqsa wuxuu maanta martigeliyey malxamad adag oo dhexmartay Halyeeyo naftood hurayaal ah iyo Ciidamada Yahuudda taas oo galaafatey nolosha dhowr ka mid ah askarta Yahuudda, Halyeeyaduna ku gaareen wixii ay raadinayeen.



Weerarkan oo ay fuliyeen 3 dhalinyaro Filistiiniyiin ah ayaa lagu bartilmaameedsaday ciidamo Yahuud ah oo ku sugnaa Al-baabka hore ee Masjidka Al-Aqsa, waxaana la sheegay in ragga weerarka fuliyey ay wateen Bastoolado iyo hubka fud-fudud.

Military-ga Yahuudda wuxuu qirtay in halkaas looga dilay laba askari mid kalena laga dhaawacay balse waxaa suuragal ah in qasaaruhu uu intaas ka badan yahay maadama gaaladu aysan runta ka sheegin qasaaraha soo gaara sufuuftooda.



Weerarka ka dib, iska horimaad xoogan oo u dhexeeya Mudaaharaadayaal Muslimiinta ka mid ah iyo Ciidamada Yahuudda ayaa ka dhacay banaanka iyo hareeraha masjidka, waxaana halkaas ku shahiiday hal ruux oo Filistiini ah, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mid ah halyeeyada fuliyey weerarka oo lagu magacaabo Maxamed Xaamid ayaa ka hor inta uusan howlgalka
fulin wuxuu bartiisa Facebook-ga ku soo qoray hadal muujinayey in uu camaliyadan u socdo.

Wuxuu soo dhigay sawir ay wada galeen isaga iyo mid ka mid ah halyeeyada kala qeybgalay howlgalka oo dhoola-cadeynaya ka dibna wuxuu yiri: Dhoola-cadeynta Berito ayaa noqon doonta mida ugu qurxan” taas oo loo qaatay in ula jeedo marka uu gaaro Manzilada Shahaadada ee uu Allaah u qoslo.

Rasuulka Alle SCW waxaa laga wariyey in Allaah uu u qoslayo kuwa marka ay la kulmaan cadowga aanan dib u soo jeesan ilaa laga dilo, Islamarkaana ay Janada galayaan Xisaab la’aan.

Xaamid iyo labada walaal ee howlgalka la fuliyey waxay ku shahiideen barxadda hore ee Masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa ka dib markii iyagoo aanan dhufeys ahayn, sidoo kalena dib ujeesaneynin laayeen ciidamada Yahuudda.

Dowladaha Caalamka islaamka oo Cambaareymo ku gaabsaday

Dhinaca kale qaar katirsan dowladaha caalamka islaamka ayaa si kulul ucambaareeyay xoog ku gelidda ay ciidamada Yahuuddu xoogga ku galeen Masjidka Bakeysan ee Al-aqsaa.

Bayaan kasoo baxay dowladda Urdun ayay ugu baaqday waxa loogo yeero Beesha caalamka in ay soo farageliyaan xaaladda Masjidul aqsaa iyo tacadiyada ay ciidamada Yahuuddu ugeysanayaan dadka muslimiinta ah.

Sidoo kale dowladda Qadar ayaa si kulul u weerartay xiridda Masjidka Barakeysan ee Al Aqsaa sida lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Qatar.

Taliban oo Cambaareyn kulul Jeedisay.

War qoraal ah oo kasoo baxay imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa si kulul loogu cambaareeyay tacadiyada cusub ee ciidamada Yahuuddu ka geysanayaan Masjidka Al-aqsaa, Taliban ayaa muslimiinta caalamka ugu baaqday in ay difaacaan masjidka iyadoona Ururka islaamka iyo dowladaha caalamka islaamka ugu baaqday in ay u istaagaan joojinta tacadiyada ka imaanaya dhanka Yahuudda.

Hoos ka daawo Falcelinada ka bixiyay xiridda Masjidka Al-aqsaa.


Related Items