Daawo: Trump oo Fadeexadeeyay Dowladda Sacuudiga "Lacago Ballaayiin Dollar ah ayay Nasiiyeen".

Sunday July 16, 2017 - 07:56:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Trump oo Fadeexadeeyay Dowladda Sacuudiga "Lacago Ballaayiin Dollar ah ayay Nasiiyeen".

    Markii ugu horraysay madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in lacago balaayiin dollar ah uu ka qaatay qaar katirsan dowladaha Khaliijka kadib kulankii caan baxay ee Riyadh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in lacago balaayiin dollar ah uu ka qaatay qaar katirsan dowladaha Khaliijka kadib kulankii caan baxay ee Riyadh.

Donald Trump ayaa wareysi uu siiyay shabakadda CBN News ku sheegay in ka hor intii uusan aadin wadanka Sacuudiga uu hoggaamiyaasha wadankaas shardi uga dhigay socdaalkiisa in lacago boqolaal bilyan  dollar ah heshiis ugu saxiixaan mareykanka haddii kale uusan booqan doonin.

"Ka hor intii aanan aadan Sacuudiga ayaan shardi uga dhigay in aanan booqan doonin haddii aysan lacago Boqolaal Bilyan ah nasiib, dhabtii waa fuliyeen ballantii oo heshiisyo aan Sacuudiga hub uga iibinayno ayaan lasoo galnay kulankii Riyaadh-na wuxuu ahaa mid aad uxiisa badan” ayuu yiri Trump.


Hoggaamiyaha Mareykanka oo umuuqday mid fadeexadeynayay Hoggaamiyaasha dowladaha Khaliijka ayaa carrab dhabay in uu awaamir hor leh siiyay intii uu socday kulankii ka dhacay magaalada Riyadh wuxuuna sheegay in joojinta maalgelinta waxa loogu yeero Argagaxisada uu ahaa qod qeyb ka ah shuruudaha uu ku xiray booqashada Sacuudiga.

"Sacuudiga boqolaal milyan oo dollar ayay ku bixinayaan iibsashada hubka ay soo saaraan warshadaheena, maalgashi ballaarana way ku sameynayaan wadankeena” ayuu markale yiri Trump.

Madaxweynaha Mareykanka oo aan qarin sida dowladaha Khaliijka ugu caynsanyihiin maamulkiisa ayaa farta ku goday in isagu uu mas’uul ka ahaa go’doominta lagusoo rogay dowladda Qadar "waxaan u sheegay in ay jiraan dowlado badan oo mandiqadda ah kuwaas oo maalgeliya Argagaxisada ayna muhiim tahay in la joojiyo arrinkaas waana aqbaleen tallaabtaas” ayuu yiri Trump.


Hoos Ka Daawo Trump oo Ka Hadlaya Lacagaha uu ka Helay Sacuudiga


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items