Shirkii Golaha Wasiirrada Ee Magaalada Kismaayo Muxuu usoo kordhiyay Dowladda Federaalka? [Falanqeyn].

Sunday July 16, 2017 - 07:58:16 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Golaha Wasiirrada Ee Magaalada Kismaayo Muxuu usoo kordhiyay Dowladda Federaalka? [Falanqeyn].

    Khamiistii lasoo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo gaaray R/wasaare Xasan Cali Kheyre iyo inta badan xubnaha golaha wasiirrada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiistii lasoo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo gaaray R/wasaare Xasan Cali Kheyre iyo inta badan xubnaha golaha wasiirrada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Kheyre ayaa sheegay in kulankii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada lagu qabtay meel ka baxsan magaalada Muqdisho ayna tahay arrin taariikhi ah.

Warfaafinta DF-ka ayaa tallaabadaas aad u buun buunisay waxayna ka dhigayeen mid mar la arag ah qeybna ka ah waxqabadan xukuumadda Kheyre.

Kismaayo waa magaalo Soomaaliyeed oo gacanta ciidamada gumeysiga Kenya iyo Itoobiya kujirta waxaana ka dhisan maamul si toos ah u raacsan shisheeyaha, shirka golaha wasiirrada oo lagu qabto waxba kama duwan shirarkii ka dhici jiray Villa Somalia.


Siyaasiyiin iyo aqoonno Soomaaliyeed ayaa sheegay in safarka Kheyre iyo Golihiisa aysan wax weyn soo kordhin taasi bedelkeedna ay lacago kumanaan dollar ah khasaariyeen.

Cabdi Cadde oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa aaminsan in Xasan Cali Kheyre uu R/wasaarayaashii dowladda Federaalka soo maray ka dacaayad iyo faan badanyahay balse uu yahay midka ugu wax qabadka daran.

"Shirkii golaha wasiirrada ee Kismaayo lagu qabtay waxba sooma kordhin oo aan ka aheyn in wasiirradu dalxiis ubaxeen, waxaa ladhihi karaa qarash badan ayay khasaariyeen Muqdisho iyo Kismaayo waa laba magaalo oo Dowladda Federaalka iyo xulufadeeda ay ciidamo shisheeye ku ilaaliyaan waa uun iska dacaayad warbaahineed” ayuu yiri siyaasi Cabdi Cadde.

Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu jagada Madaxweyne u ordayay wuxuu ballan qaaday in uu yarayn doono safarrada dibadda islamarkaana wasiiradiisu aysan dalka ka bixi doonin xitaa uu joojin doono diyaaradaha ay sida khaaska ah ukiraystaan madaxda dowladda!.

Dhammaan ballanqaadyadii Farmaajo ayaa beenoobay waxaana la arkayaa Xildhibaan,madaxweyne iyo wasiirro diyaarado gaar ah ukiraysanyahay magaalooyin isku dhow.

Kismaayo iyo Muqdisho oo isku jira 550 KM ayay Golaha wasiirada iyo Kheyre awoodi waayeen in dhanka dhulka ay ugu safraan waxayna door bideen isticmaalka diyaarado qaali ah waxaa kasii daran marka madaxda dowladu usafarayaan Baydhabo, Jowhar ama Afgooye ma isticmaali karaan dhanka dhulka waxayna ku qasbanaadaan istocmaalka diyaarado kiro ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items