Dowladda Turkiga Oo Hakisay Lacagihii Ay Ku Taageeri Jirtay Dowladda Federaalka.

Sunday July 16, 2017 - 10:16:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkiga Oo Hakisay Lacagihii Ay Ku Taageeri Jirtay Dowladda Federaalka.

    Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa ka sheeganaysa hoos udhac dhanka dhaqaalaha ah xilli ay sare uqaadday qeylla dhaanta tuugsiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa ka sheeganaysa hoos udhac dhanka dhaqaalaha ah xilli ay sare uqaadday qeylla dhaanta tuugsiga ah.

Wasiirka Maaliyadda DF-ka Cabdi Raxmaan Beylle ayaa sheegay in dhaqaale sidaas uweyn uusan uga imaan dibadda arrinkaasi oo khilaafsan ballan qaadyo ay horay usameeyeen waxa loogu yeero beesha caalamka.

inta badan shaqaalaha DF-ka ayaan wali qaadan lacago mushaaraad ah waxaana la sheegay in dhowr bil mushaarkood lala’yahay inkastoo xukuumadda Kheyre ay bixisay mushaaraadka 2 bilood oo xiriir ah.


Dowladda Turkiga oo ah jihada ugu weyn ee dhaqaalaha ay hesho dowlada Federaalka ayaa la sheegay in  muddo ka badan sedax bilood aysan wax lacag ah siin maamulka Farmaajo marka laga reebo shakhsiyaad katirsan DF-ka oo si gaar ah ay lacago kumanaan dollar ah usiisay.

"Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay dhaheen labo milyan iyo bar ayaa bixineynaa, walina nama soo gaarin”ayuu yiri Beylle.

Turkiga ayaa markii la doortay Farmaajo u Ballanqaaday in bil walba lacago 2 Milyan ah ay siin doonaan DF-ka waxaana muuqata in Turkigu ay meermeerinayaan maamulka Villa Somalia ee dhaqaalaha dibada ku tiirsan.

Laba shirkadood oo Turkiga laga leeyahay ayaa gacanta ku haaya ilaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya sida garoonka diyaaradaha caasimadda iyo dekadda caalamiga Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items