Askari Lagu Dilay Duleedka Boosaaso iyo Ciidamo Lagu Weeraray Muqdisho.

Sunday July 16, 2017 - 10:16:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Lagu Dilay Duleedka Boosaaso iyo Ciidamo Lagu Weeraray Muqdisho.

    Weerar loo adeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa lagu qaaday ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya xilli ay ku sugnaayeen degmada Hodon.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar loo adeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa lagu qaaday ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya xilli ay ku sugnaayeen degmada Hodon.

Sida dad goob joogayaal ah sheegeen dhowr Bambaano ayaa lagu tuuray ciidamo katirsan Booliska oo ku sugnaa isgoyska Black Sea.

Jugta qaraxyo is xigxigay ayaa laga maqlay isgoyska kadibna waxaa xigay rasaas ay fureen ciidamada DF-ka ee weerarka lagu qaaday balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in toogasho ka dhacday deegaanka Galgala lagu dilay hal askari mid kalane lagu dhaawacay.


Sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus shiishyahanno katirsan xoogaga Al Shabaab ayaa sheegga ka toogtay ciidamo ku sugnaa deegaanka Galgala.

Hal askari ayaa dhintay mid kalane dhaawac ayaa soo gaaray, sidoo kale saraakiil katirsan maamulka Puntland ayaa qiray in askari looga dilay deegaanka Galgala.

Bilihii lasoo dhaafay iska hor’imaadyo xooggan oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Maleeshiyaaka Puntland ayaa ka dhacayay deegaanno katirsan gobolka Bari waxaana ugu khasaara badnaa dagaalkii Af-Urur oo Puntland looga dilay in kabana 70 Askari.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items