Qarax Gaari Looga Gubay Ciidanka Kenya oo Ka Dhacay Deegaan Katirsan Gobolka Gaarisa.

Sunday July 16, 2017 - 15:07:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari Looga Gubay Ciidanka Kenya oo Ka Dhacay Deegaan Katirsan Gobolka Gaarisa.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Melleteriga Kenya kasoo gaaray qarax lagula eegtay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gumeysiga kujira balse dowladda Kenya u bixisay Waqooyi Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Melleteriga Kenya kasoo gaaray qarax lagula eegtay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gumeysiga kujira balse dowladda Kenya u bixisay Waqooyi Bari.

Wararka ka imaanaya gobolka Gaarisa ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay ciidanka Kenya uu ku qabsaday duleedka deegaanka Libooya Kenya.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala helay Gaari Cabdi Bile Kooyal ah oo ay ciidamada Melleteri ah  la socdeen waxaana dhintay dhammaan ciidamadii gaariga saarnaa.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in qarax weyn laga maqlay tuulada Cabdi Cali xilli halkaasi ay ku socdaalayeen kolonyo katirsan ciidanka Kenya, war rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba gaariga Kooyalka ah ee qaraxa lala beegsaday uu burburay islamarkaana ay dhinteen ciidamadii la socday.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan qaraxa ciidankeeda lagula beegsaday gobolka Gaari, Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay weeraro xiriirsan ka fulinaysay gobollada Lamu iyo NFD waxayna weeraradaasi gallaafteen nolosha askar iyo saraakiil farabadan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items