Dagaallo Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Lambar50 iyo Degmada Qoryooleey Ee Sh/Hoose.

Sunday July 16, 2017 - 17:07:25 in Wararka by
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Lambar50 iyo Degmada Qoryooleey Ee Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhaxmarayaan ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhaxmarayaan ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa AMISOM.

Dagaallada oo ah kuwa culus ayaa bilaawday caawa Fiidkii kadib markii ciidamada Mujaahidiinta ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka ku leeyihiin deegaanka Labmar 50.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta madaafiic iyo rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa Xarakada SHM, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in Xoogaga Al Shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhigga AMISOM kadibna waxaa xigay weeraro dhowr jiho ah oo lagu qaaday Lambar50.


Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in dagaallada oo ah kuwa culus ay sababeen in Maleeshiyaadka DF-ka ay isaga firxadaan dhowr difaac oo ay ku sugnaayeen waxayna gudaha ugaleen saldhigga AMISOM ee Aala Yaasir.

Dhinaca kale dagaallo culus ayaa dib uga qarxay degmada Qoryooleey ee isla gobolka Sh/Hoose, dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogaga Al Shabaab ay weeraro ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada DF-ka ku leeyihiin gudaha Qoryooley iyo saldhig AMISOM ku leedahay agagaarka Buundada degmadaasi.

Dagaalladan ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Al Shabaab ay deegaanada ku teedsan wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Marka ay ka wadeen howlgallo Burcad Sifayn ah oo ka dhan ah maleeshiyaadka isbaarooyinka soo tubay wadada halkaasi oo ay lacago baad ah uga qaadaan gaadiidka dadweynaha.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items