Khadka internet-ka Oo Dib Usoo Laabtay Magaalada Muqdisho.

Monday July 17, 2017 - 10:06:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khadka internet-ka Oo Dib Usoo Laabtay Magaalada Muqdisho.

    Waxaa goodhow dib usoo laabtay adeegga Internetka Fiber Optic oo ku dhawaad 30 maalmood ka maqnaa gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goodhow dib usoo laabtay adeegga Internetka Fiber Optic oo ku dhawaad 30 maalmood ka maqnaa gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Wariyaha SomaliMeMo ee magaalada Muqdisho ayaa soo sheegay in Khatka Internetka oo tayadiisu sarrayso uu dib usoo laabtay islamarkaana si caadi ah loo isticmaalayo.

Shirkadda Dalkom oo mas’uul ka ah adeegga Internetka Xarkaha ku shaqeeya ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dib uga shaqeysiiso Internet-ka, 23 maalmood kadib ayaa Internetka laga isticmaalayaa magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta Soomaaliya.


inkastoo dadku aysan wali kuwada baraarugin soo laabashada Internetka hadane shirkadaha Xawaaladaha,xafiisyada gaarka ah iyo Bankiyada ayaa durbadiiba dib ushaqa bilaabay.

Mid kamida dadka u hiloobay adeegga Internet-ka oo lahadlay SomaliMeMo kadib markii uu dib uhelay internetka ayaa yiri " Waxaan ahay sida Qof Xabsi kasoo baxay oo kale", wuxuuna cabirayay dareenkiisa ah in uu aad ugu tixnaa warbaahinta islaamiga ah iyo baraha bulshada halkaas oo uu wararka ka heli jiray.

illaa iyo hadda lama oga in si buuxda loo hagaajiyay Xargaha Fiber Optic oo Markab ganacsi  uu jiiray 25,June,2017 balse macaamiisha shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa hadda isticmaalaya Internet xawaarihiisu sarreeyo.

Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay Markab ka yimid dhanka waddanka Cummaan ayaa ku howlanaa cillad bixinta xarkaha internetka ee badda gunteeda mara kuwaas oo waxyeello kasoo gaartay shilkii uu sababay Markab ganacsi oo la sheegay in DF-ka ay ku xanibtay Marsada Caalamiga Magaalada Muqdisho.

SomaliMeMo News Desk

Related Items