Col.Saalax Xassan Maxaadeey Oo Beled Weyne Lagu Dilay iyo Dagaallo Ka Dhacay Buula Burde.

Monday July 17, 2017 - 11:01:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Col.Saalax Xassan Maxaadeey Oo Beled Weyne Lagu Dilay iyo Dagaallo Ka Dhacay Buula Burde.

    Xoogag Hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan ku dilay sarkaal katirsanaa ciidanka sirdoonka DF-ka ee gumeysiga Itoobiya la shaqeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

muuqaal sare magaalada Beled Weyne
Xoogag Hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan ku dilay sarkaal katirsanaa ciidanka sirdoonka DF-ka ee gumeysiga Itoobiya la shaqeysa.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in galbeedka magaalada Beled Weyne lagu dilay Col.Saalax Xassan Maxaadeey oo kamida ahaa saraakiisha ugu caansan nabad sugidda gobolka Hiiraan isalmarkaana dhibaato daran ku haayay dadka shacabka ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay toogteen Sarkaalka kadibna ay goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen, Saalax Xasan Maxaadey ayaa caan ka ahaa magaalada Beled Weyne wuxuuna ku lug lahaaday falal dambiyeedyo ay kamid yihiin dilal iyo tacdiibin joogta ah oo uu kula kacay dad ku eedaysan dambiyada waxa loogu yeero Argagaxisada.


Dhinaca Kale dagaallo culus ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay magaalada Buula Burde ee gobolka Hiiraan, dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogaga Al Shabaab ay weeraro safballaaran ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda Federaalka ay ku leeyihiin magaaladaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items