Qarax Gaari Looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay.

Monday July 17, 2017 - 19:30:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari Looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Mahadaay.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka shabeelaha dhexe.

Wararka ka imaanaya deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaari nuuca gaashaaman ah oo ciidamada AMISOM la socdeen daqiiqado kadib markii uu ka amba baxay dhanka garoonka diyaaradaha macmalka magaalada Jowhar.

Kolonyada la weeraray ayaa ka timid garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxayna ku sii jeeday saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buurane oo wax ka yar 3 KM ujira degmada Mahadaay.



Balse inta ayuun gaarin saldhigga ayaa la sheegay in lala helay qarax xoogan kaas oo lagu burburiyey mid ka mid ah gaadiidkooda gaashaaman.

Ma ahan markii ugu horraysay oo weerar qarax lagu beegsado ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Sh/dhexe


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items