Baarlamaanka 'Puntland' Oo Kalsoonida Kala laabtay Golihii Wasiirada Cabdi Wali Gaas.

Tuesday July 18, 2017 - 12:10:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka 'Puntland' Oo Kalsoonida Kala laabtay Golihii Wasiirada Cabdi Wali Gaas.

    Xiisado kacsanaan ah ayaa lagasoo sheegaya magaalooyin dhaca gobollada waqooyi Bari Soomaaliya oo uu ka arrimiyo maamulka 'Puntalnd' isku magacaabay saacado kadib markii uu gole baarlamaan xasaanadda kala noqday wasiirrada maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisado kacsanaan ah ayaa lagasoo sheegaya magaalooyin dhaca gobollada waqooyi Bari Soomaaliya oo uu ka arrimiyo maamulka 'Puntalnd' isku magacaabay saacado kadib markii uu gole baarlamaan xasaanadda kala noqday wasiirrada maamulkaasi.

Kadib kulan ay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal  ku yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka maamulka ‘Puntland’ ayay kalsoonida kala noqdeen golaha wasiirrada Cabdi Wali Gaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in 47 xildhibaan ay kalsoonida udiideen xukuumadda Gaas halka 9 xildhibaan ay ka aamuseen sidaas daraadeena aysan jirin gole wasiirro oo sii shaqeyn kara.


iskusoo baxyo lagu ayidayo go’aanka Baarlamaanka ayaa durbadiiba ka dhacay waddooyinka magaalada Garowe waxanaa la dareemayaa xiisado dhanka siyaasadda ah oo u dhaxeeya xubnaha maamulka ‘Puntland’ isku magacaabay.

Khilaafka u dhaxeeya Gaas iyo Xildhibaanada ayaa salka ku haaya lacago Malaayiin dollar ah oo dowladda Imaaraatka Carabta ay ugu deeqday maamulka 'Puntland' balse aan la ogeyn halka lagu bixiyay lacagtaas arrinkaasi oo cirka kusii shareeray khilaafka labada dhinac u dhaxeeya.

Cabdi Wali Gaas iyo ku xigeenkiisa ayaa ka carooday go’aanka kasoo baxay baarlamaanka waxaana socda kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xiisadaha siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday magaalada Garowe.

Wariye ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegay in ay guul darreysteen dadaallo uu Cabdi Wali Gaas ku doonayay in xildhibaanada Baarlamaanka uga dhaadhiciyo in ay joojiyaan mooshinka ka dhanka ah golaha wasiirrada oo mucaaradad xooggan la kulmayay bilihii lasoo dhaafay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items