Dowladda Sacuudiga Oo Qorshaynaysa in Ay Aqoonsato Maamulka Yahuudda.

Wednesday July 19, 2017 - 10:04:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga Oo Qorshaynaysa in Ay Aqoonsato Maamulka Yahuudda.

    Xukuumadda Aala Sacuud iyo Xulufadeeda imaaraatka Carabta ayaa la ogaaday in ay dadaal ugu jiraan sidii ay Xiriir Wanaagsan ula yeelan lahaayeen Yahuudda xoogga ku heysata dhulalka muslimiinta Filasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Aala Sacuud iyo Xulufadeeda imaaraatka Carabta ayaa la ogaaday in ay dadaal ugu jiraan sidii ay Xiriir Wanaagsan ula yeelan lahaayeen Yahuudda xoogga ku heysata dhulalka muslimiinta Filasdiin.

Dhammaan dowladaha dawaaqiidda Afarta ah ee bil ka hor iclaamiyay isbahaysiga lamagac baxay ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa diiday in ay soo saaraan warsaxaafadeedyo ay uga hadlayaan xadgudubka ay Yahuudda Sahyuuniyadda ku heyso masjidka Barakaysan ee Al-aqsaa.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa warbaahinta u sheegay in meel wanaagsan uu umarayo wadahadallo ay kula jiraan dowladaha Sacuudiga iyo Baxreyn oo ku aadan in la caadiyeeyo cilqaadka ka dhaxeeya Yahuudda iyo qaar katirsan dowladaha carabta ee qeybta ka ah xamlada saliibiga ah ee lagu qaaday caalamka islaamka.


Thaamir Sahbaan oo ah wasiirru dowlaha arrimaha Khaliijka dowladda Aala Sacuud ayaa sheegay in cadaawaddii kala dhaxaysay Yahuudda ay dhammaatay islamarkaana hadda ay rajeynayaan in waxa loogu yeero israa’iil ay qeyb ka noqoto isbahaysiga ballaaran ee Trump uu bil ka hor ku dhisay magaalada Riyadh.

Wargeyska Ha'arts oo soo xiganaya saraakiil katirsan wasaarada arrimaha dibadda Yahuudda ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay niyad wanaag iyo wadashaqeyn umuujisay maamulkooda, ilo wareedyo diblumaasiyadeed waxay sheegeen in imaaraatka Carabta, Sacuudiga iyo Masar ay diyaariyeen qorshe cusub oo dowladaha Carabta ay ku aqoonsanayaan waxa loogu yeero dowlada israa'iil.

Isbahaysiga Sacuudiga iyo Masar waxay diideen in ay cambaareeyaan xadgudubyada cusub ee Yahuuddu ugeysanayaan Masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa iyo in shucuubta muslimiinta oo ay maamulaan ay dhigaa dibad baxyo lagu taageerayo kacdoonka Filasdiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items