Daawo: Wararkii Ugu Dambeeyay Kacdoonka Ay Muslimiinta Filasdiin Ku Difaacayaan Masjidka Al-Aqsaa.

Thursday July 20, 2017 - 10:46:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Wararkii Ugu Dambeeyay Kacdoonka Ay Muslimiinta Filasdiin Ku Difaacayaan Masjidka Al-Aqsaa.

    Ciidamada Yahuudda ayaa Markale weerar ku qaaday Kumanaan Muslimiin ah oo ku tukanayay hareeraha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Yahuudda ayaa Markale weerar ku qaaday Kumanaan Muslimiin ah oo ku tukanayay hareeraha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.



Ciidamada Yahuudda ayaa  markale weerar ku qaadeen Kumanaan Muslimiin ah oo ku tukanayay hareeraha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, kadib markii Yahuuddu ay Masjidkaasi albaabada u laabeen dhowr maalmood ka hor.

Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Booliiska ee Maamulka Sahyuuniyadda inay weerar ku qaadeen Kumanaanka Muslimiinta ah ee ku tukanayay Mandiqadda Baabul As-Baadh ee magaalada la heysto ee Al-Qudus, waxaana Ciidamadu Yahuuddu ay isku dayeen inay kala ceyriyaan dadkaas Muslimiinta ah.



Tobonaan Qofood ayaa ku dhaawacmay rasaasta Cinjirka ka sameysan ee Ciidamada Sahyuuniyaddu ay ku fureen dadka Filastiiniyiinta ah, waxaana dadka dhaawacmay ku jira Khadiibkii Masjidka Al-Aqsa Sheekh Cikrama Sabrii.

Kumanaan Filastiiniyiin ah oo isaga kala yimid deegaannada kala duwan ee Yahuuddu xoogga ku heystaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay isagu tagay magaalada Al-Qudusu Shariif si ay isagu dayaan inay u difaacaan Masjidkaasi barakeysan, waxaana dadkaasi ay diideen awaamiir xagga ammaanka ku saabsan oo Yahuuddu ay soo rogeen, iyadoona Yahuuddu ay billaabeen in baaritaanno xad dhaaf ah ay ku sameeyaan dadka ku tukanaya Masjidka, arrintaas oo ay kasoo horjeesteen dadka Muslimiinta ah ee magaalada Al-Qudus ku nool.

Wariye-yaasha ku sugan magaalada Al-Qudus waxay sheegayaan in marba marka ka dambeysa ay sii kordhayaan tirada dadka Filastiiyiinta ah ee isagu imaanaya magaaladaasi si ay Yahuudda uga difaacaan Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, waxaana maalintii Talaadada ee shalay halkaas isagu tagay dad Kumanaan ah oo meelo kala duwan ka kala yimid.

Maalintii Talaadada ee shalay waxaa Masjidka xoog ku galay laba kooxood oo ka tirsan Wadaaddada Yahuudda, iyadoo tan iyo horraantii todobaadkan ay Masjidkaasi gudaha u galeen ku dhawaad 200 oo ka tirsan Wadaadada Yahuudda iyo taageerayaashooda.

Maamulka Gumeysiga ee Sahyuuniyadda ayaa todobaadkii lasoo dhaafay albaabada u laabay Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, kadib markii magaalada uu ka dhacay howl-gal kaligii-duulnimo ah ay u fuliyeen Seddax dhallinyaro oo Filastiiniyiin ah, kuwaas oo toogasho ku dilay laba Askari oo ka tirsan Booiiska Yahuudda.

 

 

Hoos ka Daawo Wararkii Ugu dambeeyay ee Masjidka Al-aqsaa



Related Items