Sedax Qof Soomaali Ah oo Lagu Dilay Gobolka Ohio Ee Dalka Mareykanka.

Thursday July 20, 2017 - 10:56:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Qof Soomaali Ah oo Lagu Dilay Gobolka Ohio Ee Dalka Mareykanka.

    Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo aan heybtooda lagaran ay dileen sedax qof Soomaali ah oo kamid ah dadka qaxootiga ee wadankaasi ku nool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo aan heybtooda lagaran ay dileen sedax qof Soomaali ah oo kamid ah dadka qaxootiga ee wadankaasi ku nool.



Qaar ka mid ah hogaamiyaasha bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa xaqiijiyey dilka 3 nin oo Soomaali ah oo sadexdi maalmood ee lasoo dhaafay ay kooxo hubeysani ku dileen xaafado ka mid ah magaalada Columbus.

Sida ay sheegeen booliska magaalada Columbus, laba ka mid ah wiilasha la dilay ayaa kala ahaa Abdul kadir Ali Yussef iyo Mohamed Ali Mohamed.



Sida uu idaacadda Codka Mareykanka u sheegay  Sheekh Horseed Cayni Nuux, oo ah madaxa Masjidka Abuubakar ee magaaladda columbus iyo Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ah qareen ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta ee magaaladda Columbus. Hadalka waxaa ku hormaraya Sheekh Horseed Cayni.

Xigasho: Idaacadda Codka Mareykanka laanta Afsomaaliga


 

Related Items