Sawirro: Sarkaal Katirsanaa Maamulka 'Jubbaland' iyo Ciidamo ilaala u Ahaa Oo isku dhiibay Xarakada Al Shabaab.

Thursday July 20, 2017 - 11:27:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Sarkaal Katirsanaa Maamulka 'Jubbaland' iyo Ciidamo ilaala u Ahaa Oo isku dhiibay Xarakada Al Shabaab.

    Mid Kamida Saraakiisha ugu sarraysa maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay iyo ciidamo ilaala u ah ayaa isku dhiibay maamul islaami ah oo taabacsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid Kamida Saraakiisha ugu sarraysa maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay iyo ciidamo ilaala u ah ayaa isku dhiibay maamul islaami ah oo taabacsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.


Munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa lagusoo bandhigay Col. Yaasiin Faarax oo Fiilo ku magac dheer iyo sedax askari oo kamid ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

Col. Yaasiin Nuur Fiilo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jilib ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay ka damqadeen dhibaatada ay gumeystayaasha Kenya iyo Itoobiya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda.



Sarkaalkan is dhiibay iyo ciidamadii ilaala u ahaa ayaa goob fagaare ah uga dhawaaqay in Alle ay uga towbad keenay la shaqeyntii dowladaha Kenya iyo Itoobiya wuxuuna saaxibadii uu ugasoo tagay safka cadawga ugu baaqay in ay goostaan oo ay dhinac ka raacaan shacabkooda.

Sheekh Max'med Abuu Cabdalla oo ah waaliga Jubbooyinka oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in askari walba oo kasoo goosta safka dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada shisheeyaha raacsan loo lacageyn doono hubka ay lasoo goostaan islamarkaana amni iyo nabad gelyo ah ku heli doonaan meel walba oo ay dalka ka joogaan.

Boqolaal maleeshiyaad ah oo ciidamada Kenya iyo itoobiya kala qeyb qaatay duullaanka lagusoo qaaday dalka  ayaa bilihii lasoo dhaafay isku dhiibayay maamullo islaami ah oo ka jirta gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Sarkaalka kasoo goostay Kismaayo oo warbaahinta la hadlay MP3
















Related Items