Daawo : Askari Mareykan ah oo ku faanay inuu dilay Kumanaan Ciraaqiyiin ah!.

Saturday July 22, 2017 - 08:24:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo : Askari Mareykan ah oo ku faanay inuu dilay Kumanaan Ciraaqiyiin ah!.

    Mid ka mid ah Askarta Mareykanka ayaa waxa uu ku faanay inuu dilay kumanaan qofood oo Ciraaqiyiin ah intii uu ka tirsanaa Ciidamadii Mareykanka ee ku sugnaa Wadanka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah Askarta Mareykanka ayaa waxa uu ku faanay inuu dilay kumanaan qofood oo Ciraaqiyiin ah intii uu ka tirsanaa Ciidamadii Mareykanka ee ku sugnaa Wadanka Ciraaq.


Wareysi uu siiyay Telefeshinka FoxNews ayaa Sergeant Dillard Johnson oo ka tirsan Ciidamada Meliteriga Mareykanka waxa uu ku sheegay inuu dilay inkabadan 2746 qofood oo Ciraaqiyiin muddadii Shanta sano aheyd ee uu ku sugnaa dalka Ciraaq, gaar ahaan intii u dhaxeysay sanadihii 2005-2010.



Askarigan oo Meliteriga Mareykanka ay guddoonsiiyeen 37 billadood, loona aqoonsaday "halyeey” ayaa waxa uu tilmaamay in falkii dil ee ugu horreeyay inuu ka geystay magaalada Samaawah ee Koonfurta dalka Ciraaq, kadib markii si ula kac ah uu gaari gaashmaan u dulmarsiiyay 13 qofood oo rayid ah.


Mar la weydiiyay waxa uu dareemay kadib markii uu laayay tirada intaas la eg ee Ciraaqiyiinta ah ayaa Dillard Johnson waxa uu ku jawaabay : "dareenkayga markaan dilay Ciraaqiyiinta waxa uu ka wanaagsanaa sidii aan noqon jiray marka aan dilo deerada wakhtigii aan 13 jirka ahaa”.


Dillard Johnson ayaa yaraantiisa waxa uu u gaarsan jiray Xayawaanka loo yaqaano deerada ama Cawsha.


Johnson oo hadda shaqada ka fadhiistay ayaa qoray Buug oo cinwaan uga dhigay "Carnivore”, waxaana buuggaas uu ku sheegay in xilligii uu joogay dalka Ciraaq in maalin walba uu dili jiray ugu yaraan laba ruux oo Ciraaqiyiin ah, iyadoona uu noqday Askarigii ugu daadinta badnaa ee soo mara Ciidamada Meliteriga Mareykanka.


Dowladda Mareykanka ayaa sannadkii 2003 waxa duullaan gardarro ah ku qaaday Wadanka Ciraaq, waxaana duullaankaas ay ku dishay Boqollaal kun oo Muslimiin ah, iyadoo falalka uu ka sheekeynayo Askarigan ay yihiin qeyb yar oo ka mid ah xasuuqa baahsan ee Mareykanku ay dalkaasi ka geysteen.




Xigasho: Amiirnuur.com

Related Items