Sawirro: Xaflad Lagu Soo Xirayay Dowro Loo Qabtay Odayaasha Sh. hoose Oo Ka Dhacday Degmada Awdheegle.

Saturday July 22, 2017 - 10:40:30 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xaflad Lagu Soo Xirayay Dowro Loo Qabtay Odayaasha Sh. hoose Oo Ka Dhacday Degmada Awdheegle.

    Munaasabad ballaaran oo lagu soo xirayay dowro muddo 4 maalin u socotay odayaasha WI Sh hoose ayaa ka dhacday degmada Awdheegle iyadoo marti kala duwan ay kasoo qeyb gashay xafladii la qabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad ballaaran oo lagu soo xirayay dowro muddo 4 maalin u socotay odayaasha WI Sh hoose ayaa ka dhacday degmada Awdheegle iyadoo marti kala duwan ay kasoo qeyb gashay xafladii la qabtay.


Odayaasha dowrada loo soo xiray ayaa muddo 4 maalin ah waxay baranayen kutub kala duwan iyagoo ugu dambeyntii loo soo xiray dowrada iyaga iyo maamulka mujaahidiinta ee Sh hoosena ay kala saxiixday qodobo dhowr ah.

Munaasabadii xeritaanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay culimo iyo masuuliyiin ka tirsan Mujaahidiinta kuwaasoo kalmado baraarujin ah u jeediyay nuqabada Sh hoose,Sh Fu’aad oo ka mid ahaa culimada ayaa kula dardaarmay odayaasha inay ku adkeystaan dhabbaha ay iminka ku suganyihiin kana run sheegaan waxyaabihii lasoo baray.



geba gebadii xaflada ayaa odayaasha waxaa la guddoonsiiyay hadiyado ay ugu tala gashay wilaayada iyo kaarar aqoonsi ah oo odayaasha lagu garan doono inay yihiin nuqabada Sh hoose.

Daawo Sawirada Xafladda.















Related Items