Hoggaamiyaha Qadar Oo Si Kulul Ula Hadlay Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka Ee Wadankiisa Hareereeyay.

Saturday July 22, 2017 - 12:08:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Qadar Oo Si Kulul Ula Hadlay Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka Ee Wadankiisa Hareereeyay.

    Markii ugu horraysay Hoggaamiyaha Wadanka Qadar ayaa ka hadlay go'doominta aan guuleysan ee wadankiisa ay kusoo rogeen xulufada Sacuudiga iyo imaaraatka oo khilaaf ba'an kala dhaxeeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay Hoggaamiyaha Wadanka Qadar ayaa ka hadlay go'doominta aan guuleysan ee wadankiisa ay kusoo rogeen xulufada Sacuudiga iyo imaaraatka oo khilaaf ba'an kala dhaxeeyo.



Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala Thani ayaa kalimad uu jeediyay lagasii daayay Telefeshinka Al Jazeera ee dowladda Qadar Maalgeliso wuxuuna sheegay in hareereynta lagusoo rogay wadankiisa aysan saameyn sidaas ah ku yeelan nolol maalmeedka dadka Qadariyiinta ah.

Isagoo Hadlayay ayuu soo hadal qaaday dowladaha go’doominta kusoo rogay Qadar wuxuuna ku tilmaamay hareerayn fulaynimo ah oo xaasidnimo iyo madax adeyg lagu saleeyay.



"Waxaan aaminsanahay in qaar kamid ah saaxiibadeena ay kaligood noolyihiin Maalkuna uu usuurtagaliyay in wax walba ay ku iibsadaan” ayuu yiri Amiirka Qadar oo si duur xul ah u weerarayay Kaligood taliyayaasha Carbeed.

Mar uu soo hadal qaaday sida xal loogu heli karo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Khaliijka wuxuu sheegay in Dooxa ay diyaar u tahay wax walba oo wadahadal ah balse aysan aqbali doonin in dibadda wax looga yeeriyo madax banaanideedana lagu xad gudbo.

"Waxaan joogteynaynaa wax walba oo lagu xallin karo mushkiladda khaliijka balse ma ogolaan karno in dibadda waxa nalooga yeeriyo.. waxaan ogolnahay  iskusoo dhawaashiyo anaga oo aan ka tanaasuleyn madax banaanindeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Tamiim.

Amiirka Qadar ayaa beeniyay eedaymaha ay ujeediyeen dowladaha Sacuudiga,imaaraatka,Baxreyn iyo Masar ee ah in Dooxa ay taageerto Jamaacaadka Jihaadiga ah, dowladda Turkiga ayuu uga mahad celiyay sida ay ciidamo ugu dirtay Qadar islamarkaana ay badeecooyin ugu iibgeysay wadankiisa.

45 Maalmood ka hor ayay dowlado Afar ah oo laf dhabar ay u yihiin Saudi Arabia iyo Imaaraatka Carabta waxay go’doomin kusoo rogeen Dalka Yare ee Qadar balse awood dhaqaale iyo mid warfaafineed leh waxayna ku sumadeeyeen in ay barbaariso waxa Argagaxisada loogu yeero.

13 shardi ayay dowladahani ugudbiyeen Qadar si hareereynta looga qaado waxaana kamid ah shuruudahaas in Albaabada loo laabo Telefeshinka Caalamiga Al Jazeera iyo in Qadar ay dalkeeda Ka Erido Hoggaamiyaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo dhaq dhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items