Ugu Yaraan 2 Qof Oo Ku Dhimatay Toogasho Ka Dhacday dhismaha Saafaradda Yahuudda ee Wadanka Urdun.

Monday July 24, 2017 - 12:15:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugu Yaraan 2 Qof Oo Ku Dhimatay Toogasho Ka Dhacday dhismaha Saafaradda Yahuudda ee Wadanka Urdun.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo ka dhacay dhismaha safaaradda Yahuuddu ku leedahay magaalada Cammaan ee wadanka Urdun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo ka dhacay dhismaha safaaradda Yahuuddu ku leedahay magaalada Cammaan ee wadanka Urdun.

Ugu yaraan laba qof Urduniyiin ah ayaa ku dhintay weerarka halka qof  Yahuudi ah uu si xun ugu dhaawacmay weerarka sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka xukuumadda dabadhilifka Urdun.

Hubanti la’aan ayaa ka taagan qaabka weerarku u dhacay, sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Urdun ayaa sheegay in rasaasta ka dhacday gudaha safaaradda Yahuudda uu ka dhashay khilaaf soo kala dhaxgalay ilaalada safaaradda.


Dhinaca kale xoogaga filasdiiniyiinta ayaa sheegay in weerarka ka dhacay dhismaha safaaradda Yahuudda uu ahaa mid istish-haadi ah oo uu fuliyay ruux naftiis hure ah kaasi oo ka carooday tacadiyada ciiamada Yahuudu ka wadaan masjidka barakeysan ee al-aqsaa.

Jamaacada cizudii qasaam ayaa baahisay sawirka wiil dhalinyara ah oo ay sheegtay in uu fuliyay weerarka ka dhacay saafaradda Yahuudda ee magaalada Cammaan.

Sanaddii 1994 ayay Xukuumadda Urdun iyo Yahuudda kala saxiixdeen heshiis nabad gelyo wixii xilligaas ka dambeeyay ayay Urdun damaanad qaaday in wadankeeda aan laga weerarayn Yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga ku heysata dhulalka barakeysan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items