Maleeshiyaad Katiran Ururka Xisbullaah Oo Lagu laayay Xuduuda Suuriya iyo Lubnaan.

Wednesday July 26, 2017 - 10:42:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Katiran Ururka Xisbullaah Oo Lagu laayay Xuduuda Suuriya iyo Lubnaan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Ururka shiicada Xisbullaah lagu laayay dagaal ka dhacay duleedka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Ururka shiicada Xisbullaah lagu laayay dagaal ka dhacay duleedka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

War rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda Xureynta Shaam ayaa lagu sheegay in boqolaal askari lagu dilay dagaallo isbuucii 2-aad galay oo ka socda mandiqadda Buuraleyda Al-qalamuun oo ku teedsan soohdin beenaadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Suuriya.

Xoogaga Jihaadiga ah ee Alqalamuun ka dagaallamaya waxay xaqiijiyeen in ay dileen ku dhowaad 200 oo maleeshiyaad ah islamarkaana ay dhaawaceen 250 Askari, maxaabiis Ururka Shiiciga Xisbullaah looga qabtay dagaalka Suuriya ayay soo bandhigeen xoogaga islaamiga ah.


Ilo wareedyo uu helay Telefeshinka Aljazeera ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Xisbullaah ay isaga firxadeen deegaanno katirsan Juruud ee Al-qalamuun kadib markii khasaara lixaad leh ay kala kulmeen dhanka xoogaga mucaaradka ah.

Kumanaan maleeshiyaad shiico ah oo kasoo tallaabay dhanka wadanka Lubnaan aya maalmihii lasoo dhaafay ka dagaallamayay Alqalamuun waxayna doonayeen in ay la wareegaan magaalooyinka ay maamulaan xoogaga muslimiinta sunniga ah.

Mas’uul u hadlay Hay’adda Xureynta Shaam ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in maleeshiyaadka Shiicada ah qabsadaan dhulka Alqalamuud oo ah deegaan istiraatiiji ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items