Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Hoosingoow iyo Saldhigyada Ciidanka Jabuuti Ee Jalalaqsi oo la duqeeyay.

Wednesday July 26, 2017 - 11:15:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Hoosingoow iyo Saldhigyada Ciidanka Jabuuti Ee Jalalaqsi oo la duqeeyay.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay deegaano dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo uu ka socdo dagaalka halganka ah ee ka dhanka ah ciidamada soo duulayaasha Afrikaanta ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay deegaano dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo uu ka socdo dagaalka halganka ah ee ka dhanka ah ciidamada soo duulayaasha Afrikaanta ah.

Wararka ka imaanaya cirifka fog ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday saldhig ciidanka melleteriga Kenya ku leeyihiin deegaanka Hoosingoow oo ku dhow xadbeenaadka ay Soomaaliya la wadaagto Kenya.

Wariye Cismaan Dhuuboow oo Jubbooyinka ku sugan ayaa soo sheegay in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay weeraro ku asqeeyeen saldhigyada melleteriga Kenya, dagaal saacado badan qaatay ayuu isku bedelay weerarka.


Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen xoogaga Xarakada SHM iyo ciidamada Melleteriga Kenya, wararka qaar ayaa sheegaya in Al Shabaab ay dagaalka Hoosingoow u adeegsatay gaadiidka Tiknikada loo yaqaan ee qoryaha waaweyn ay ku rakibanyihiin.

Dhinaca kale weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday saldhigyada ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items