Sanbaloolshe Oo Hanjabaad Kulul Hawada Umariyay Xildhibaanada iyo Mas'uuliyiinta Mucaaradsan Boobka Muqdisho Ka Socda.

Thursday July 27, 2017 - 10:11:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sanbaloolshe Oo Hanjabaad Kulul Hawada Umariyay Xildhibaanada iyo Mas'uuliyiinta Mucaaradsan Boobka Muqdisho Ka Socda.

    Ninka ugu sarreeya Sirdoonka dowladda Federaalka ayaa digniin culus u jeediyay xildhibaanada iyo saraakiisha kasoo jeeda magaalada Muqdisho ee aan la dhacsanayn howlgallada raafka ah ee ka socda caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninka ugu sarreeya Sirdoonka dowladda Federaalka ayaa digniin culus u jeediyay xildhibaanada iyo saraakiisha kasoo jeeda magaalada Muqdisho ee aan la dhacsanayn howlgallada raafka ah ee ka socda caasimadda.

C/llaahi Sanbaloolshe oo ku magacaaban taliyaha ‘Nabad Sugidda’ Dowladda Federaalka ayaa shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho wuxuu digniin culus ugu diray mas’uuliyiinta DF-ka ee dhaliilsan howlgallada hub aruurinta iyo dhaca ah ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.

Sanbaloolshe ayaa si toos ah u weeraray xildhibaanada warbaahinta ka sheega khaladaadka ay ku kacayaan maleeshiyaadka loogu magac daray ‘Xasilinta caasimadda’ kuwaas oo boob hantiyadeed ugeystay ganacsatada gobolka Banaadir.


Wuxuu sheegay in taliska Nabad sugidda uu dhibsaday in wax laga sheego falalka qallafsan ee ay ku kacayaan ciidankooda , "Dad Mas’uuliyiin ah waxaa jira oo xasaanad ku gambada, oo u heysta in xasaanada wax kasta ka dabooleyso, waxaa jira xoriyatul qowlka waxyaabo lagu ogoleyn oo ay ka mid tahay kicinta dadweynaha, qof mas’uul ayaa tahay maalin kasta boqol shey oo wanaag ayaa ka dhacaya dalka oo aadan ka hadleyn, wax yar oo hal maalin dhacana waa buun buuninayaan” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Hanjabaadda ka timid taliyaha Nabad sugidda ayaa si gaar ah ugu socotay Xildhibaan Mahad Salaad oo maalmo ka hor sheegay in aan Wareegto iyo warsaxaafadeed lagu maamuli Karin shacabka wuxuuna xildhibaanku banaanka soo dhigay khaladaadka waaweyn oo ay ku kacayso xukuumadda Kheyre.

Sanbaloolshe ayaa kamid ah saraakiisha ugu akhlaaqda daran DF-ka waxaana jira caga jugleyn iyo aflagaado uu kula kacay Wasiirro iyo Xildhibaanno waxaa xusid mudan in sanado ka hor uu xilkiisa ku waayay Aflagaaddo toos ah uu ugeystay wasiir katirsanaa dowladdii Xasan Gurguurte.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items