Mariane "Dowladda ayaa xaqiiqsatay in dib u furidda Kaniisadda ay muhiim u tahay Dowladnimadooda" Video

Saturday July 29, 2017 - 08:44:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mariane "Dowladda ayaa xaqiiqsatay in dib u furidda Kaniisadda ay muhiim u tahay Dowladnimadooda" Video

    Mariane Veccachione oo ah haweeney kasoo jeeda mid ka mid ah Waddamada Yurub oo horraantii sanadkan ka qeyb qaadatay dib u furidda Kaniisad horey ugu taallay magaalada Hargeysa balse dayactir lagu sameeyay ayaa sheegtay in Maamulka Somaliland uu gaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mariane Veccachione oo ah haweeney kasoo jeeda mid ka mid ah Waddamada Yurub oo horraantii sanadkan ka qeyb qaadatay dib u furidda Kaniisad horey ugu taallay magaalada Hargeysa balse dayactir lagu sameeyay ayaa sheegtay in Maamulka Somaliland uu gacan weyn ka geystay furitaanka Kaniisadda.


Iyadoo ka hadleysay munaasabad lagu qabtay magaalada Hargeya ayaa Mariane Veccachione waxay sheegtay in muddo ka hor ay safar ku timid magaalada Hargeysa, islamarkaana uu jeedkeedu ahaa inay dib u furto Kaniisad ay ku cibaadeystaan dadka Nasaarada ah.


Haweeneydan ayaa ka hadashay sida ay ugu fududaatay in Kaniisad ay ka furto magaalada Hargeysa, iyadoona si cad u sheegtay in Maamulka Somaliland uu kaalin wanaagsan uu ku lahaa dib u furitaanka Kaniisadda.

” Dowladda ayaa xaqiiqsatay in dalnimadoodu ay u muhiim u tahay in Kiristaanka loo ogolaado meel ay ku caabudaan waxa ay aamisan yihiin, sidaas darteed; dowladdu waxay noo ogolaatay inaan dib usoo laabano oo furno Kaniisadda”. ayay hadalkeeda kusii dartay.

Kaniisadda dib looga furay Hargeysa horraantii sanadkan ayaa waxaa la dhisay sannadkii 1950-kii, hase yeeshee waxay xirantay markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee madaxweynaha uu ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Raadiyaha ku hadla afka Dowladda Vaticanka oo ah meesha laga xukumo Nasaarada dunida ku nool ayaa bishii April ee sannadkan xaqiijiyay dib u furista Kaniisadda magaalada Hargeysa, waxaana tallaabtaas ay ku sheegeen inay tahay "guul weyn”.

Sida raadiyuhu sheegay, Waxaa ka soo qeyb galay furitaankeeda wadaadka Kaniisadda Katooliga u qaabilsan dalka Jabuuti iyo dad kale oo aaminsan diinta Kirishtanka iyo shaqaalaha hey’adda isku qarisa samafalka ah ee loo yaqaan (Caritas) oo ah hey’ad kaniisadda Katooliga hoos tagta, kana shaqeysa goobo badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Culimada ku nool Gobollada Waqooyi ayaa horey uga digay dib u furitaanka Kaniisadda magaalada Hargeysa iyo sida ay gobolladaasi ugu soo qul-qulayaan dadka wax gaaleysiiya ee la shaqeeya Hey’adaha sheegta Samafalka ee deegaanadaas ku badan, hase yeeshee Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo 



Isha Qoraalka: amiirnuur.com
Isha Muuqalka:Horn Cable TV


Related Items