Cutubyadii Ugu Horreeyay Ee Ciidamada AMISOM Oo Dhowaan Si Dhameystiran Uga Baxaya Soomaaliya [go'aano kasoo Baxay Shirkii Xalane].

Sunday July 30, 2017 - 10:02:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Cutubyadii Ugu Horreeyay Ee Ciidamada AMISOM Oo Dhowaan Si Dhameystiran Uga Baxaya Soomaaliya [go'aano kasoo Baxay Shirkii Xalane].

    War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay isaga bixi doonaan dalka Soomaaliya marka lagaaro sanadda 2018.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay isaga bixi doonaan dalka Soomaaliya marka lagaaro sanadda 2018.

Shir Muddo Shan Maalmood ah socday oo ka dhacay Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa lagasoo saaray go’aamo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen in ciidamada AMISOM ay bilaabayaan dib ugurasho islamarkaana degmooyinka iyo magaalooyinka ay heystaan lagu wareejin doono maleeshiyaadka DF-ka.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayna ka qeyb galeen wasiirro ka socday DF-ka, dhammaan taliyaasha ciidamada AMISOM ee gobollada dalka Soomaaliya iyo khubaro ka socday Midowga Yurub ayaa diiradda lagu saaray isbedelka dhanka amniga ah ee ka dhici doona Soomaaliya marka lagaaro sanadda 2018.


Cabdi Rashid Cabdullahi Maxamed oo ah wasiirka G/dhigga DF-ka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in daba yaaqadda sanaddan 2017 cutubkii ugu horreeyay oo AMISOM katirsan uu dalka isaga bixi doono kadibna bixitaanka rasmiga ah uu bilaabanayo sanadda 2018-ka.

Wuxuu sheegay in kulanka Xalane uu daba socday shirkii bishii May lagu qabtay magaalada London ee lagu go’aamiyay in ciidamada AMISOM Soomaaliya laga saaro kadib 10 sanadood oo duullaan fashilmay ay uga jireen gobollada dalka.

Ilo wareedyo mas’uul ah waxay sheegayaan in ciidamo Yugaandheys iyo Burundi ah ay isaga bixi doonaan Soomaaliya horraanta Bisha December 2017 waxaana xigi doona ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gobollada Hiiraan iyo Bakool.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gumeysiga Kenya ay noqon doonaan ciidamada ugu horreeya ka bixi doona magaalooyinka ay uga suganyihiin Koonfurta dalka Soomaaliya, dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ka codsatay waxa loogu yeero beesha Caalamka in ay qalabeeyaan ciidamadeeda si ay ubedelaan AMISOM.

Falanqeeyayaasha melleteriga ayaa aaminsan in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay dib ula wareegi doonto magaalooyin waaweyn iyo dhowr saldhig oo ciidamada AMISOM baneyn doonaan waxaana laga yaabaa in Maleeshiyaadka DF-ka ay ku adkaato difaacashada dhammaan magaalooyinka AMISOM ka baxdo.

Khubarada Melleteriga ayaa sidoo kale saadaalinayay in Al Shabaab ay sii wadi doonto weerarada xoog ku gal ah ee ay cagta ku marinayso saldhigayada ciidamada shisheeye sida weeraro lamid ah kuwii Ceel-Cadde, Kulbiyoow iyo Leego.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items