Faah Faahin: Al Shabaab Oo Ku Dhawaaqday in 39 Askari Ay Ka dishay AMISOM Kadib Weerarkii Buula Mareer.

Sunday July 30, 2017 - 12:42:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al Shabaab Oo Ku Dhawaaqday in 39 Askari Ay Ka dishay AMISOM Kadib Weerarkii Buula Mareer.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta barqadii ka dhacay deegaanno ku dhow magaalada Buula Mareer ee gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sh.C/caziiz Abuu Muscab
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta barqadii ka dhacay deegaanno ku dhow magaalada Buula Mareer ee gobolka Sh/Hoose.

War Rasmi ah oo goordhow kasoo baxay Taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 39 Askari oo Jeneraallo Yugaandheys ah ay kamid yihiin lagu dilay dagaallo ka dhacay deegaanada Danoow iyo Golweyn.

Afhayeen u Hadlay Xarakada Al Shabaab ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen 39 Meyd oo katirsan ciidamada AMISOM islamarkaana ay kamid yihiin Jeneraallo melleteri.


"Allaahu Akbar Muslimiinta waxaan ugu bishaaraynaynaa in dagaallo saaka ka dhacay wilaayada Sh/Hoose lagu jabiyay gaalada, Mujaahidiintu waxay dul istaageen oo ay gacanta ku hayaan Meydadka 39 Askari oo saraakiil sare sare kamid yihiin, dhammaan wixii hub ahaa ee ciidankaasi watayna waa laga qaniimeystay” sidaas waxaa yiri Afhayeen u hadlay Taliska ciidanka Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sedax weeraro oo aad uculus ay xoogaga Al Shabaab u dhigeen ciidamo ka amba baxay dhanka Danoow kunasii Jeeday Buula Mareer, ilo wareedyo madax banaan waxay xaqiijinayaan in ciidamada Al Shabaab ay goobta dagaalka ka rarteen saanado melleteri iyo agabyo kale.

SomaliMeMo ayaa ilo madax banaan ka heshay in Al Shabaab weerar aad uqorshaysan ay ku kedisay ciidamo saad Melleteri isku gudbin lahaa, warar soo baxay ayaa sheegaya in taliyihii ciidamada AMISOM ee degmada Buula Mareer uu Al Shabaab ugacan galay.

Waa weerarkii Ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada AMISOM loogu geysto gobolka Sh/hoose tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Janaale oo 50 Askari looga dilay dowladda Uganda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items