Cali Nuur "AMISOM waxay mareysaa in intaas oo Askari uga dhintaan si ay Cunto iyo Biyo ugu geeyaan Ciidamadooda" [DHAGEYSO].

Monday July 31, 2017 - 09:51:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Cali Nuur "AMISOM waxay mareysaa in intaas oo Askari uga dhintaan si ay Cunto iyo Biyo ugu geeyaan Ciidamadooda" [DHAGEYSO].

    Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose ee Dowladda Fedraalka Cali Nuur Maxamed ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan lagu gaarsiiyay Ciidamada AMISOM ee shalay ka dhacay duleedka degmada Buulo mareer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Nuur waa guddoomiye ku xigeenka Sh.hoose
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose ee Dowladda Fedraalka Cali Nuur Maxamed ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan lagu gaarsiiyay Ciidamada AMISOM ee shalay ka dhacay duleedka degmada Buulo mareer.


Wuxuu tilmaamay in tobonaan ka tirsan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Uganda in lagu dilay weerarkaasi.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhankooda sheegay in 39 ka tirsan Ciidamada Shisheeye ee Amisom lagu dilay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Gol-weyn ee duleedka degmada Buulo Mareer, waxaana sidoo kale ay sheegtay in weerarkaas ay ku dishay Sarkaalkii ugu sarreeyay ee Ciidamada Amisom ka joogay deegaankaasi.


Wareysi uu bixiyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa uu ku sheegay in xaalad adag ay marayaan Ciidamada Uganda ee ku sugan qeybo ka tirsan Gobolka, islamarkaana ay go’dooyin ku yihiin magaalooyinka iyo degmooyinka ay joogaan, ayna u dheer tahay weerarro xooggan oo ay la kulmaan marka ay isku dayaan inay dhaq dhaqaaqyo sameeyaan oo ay saheyda kala gudbistaan.

Cali Nuur wuxuu Idaacadda ku hadasha Codka Mareykanka u sheegay in toboneeyo ka mid ah Ciidamada Uganda in lagu dilay weerarkii dhabbagalka ah, sidoo kale Wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa waxa uu sheegay inuu arkay Meydadka 23 ka tirsan Askarta Amisom iyo Meydka Askari Soomaali ah.

” Maanta waxay marayaan in intaas oo Askari uga dhintaan, si ay Cunto iyo Biyo ugu geeyaan Ciidan iyaga meel ka jooga, wax kale oo ay qabanayaan ma jirto”. ayuu yiri Cali Nuur.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray ” dadka maanta ka dhintay iyo dhibaatada maanta gaartay kumay gaarin iyagoo Waddan xorreynaya, kumay gaarin howl-gal ay sameeyeen, ee waxay ku gaartay iyagoo cunto u geynaya Ciidankooda”.

Wuxuu Carrabka ku dhuftay in Gobolka Shabeellaha hoose uu marayo sidii uu ahaa Shan sano ka hor, ayna isa soo tarayaan weerarrada ay la kulmayaan Ciidamada Amisom iyo Maleeshiyaadka Dowladda Fedraalka ee gobolka ku sugan.


Isha Maqalka : VOASOMALI

Related Items