[Warbixin+Sawirro]:Himmadii Loo Hayay Farmaajo oo Habaar Isku Badashay iyo Hawshiisii oo Noqotay Hal Mar Igu Sawir!

Tuesday August 01, 2017 - 19:18:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Warbixin+Sawirro]:Himmadii Loo Hayay Farmaajo oo Habaar Isku Badashay iyo Hawshiisii oo Noqotay Hal Mar Igu Sawir!

    Maxamad C/llaahi Farmaajo oo ah nin kusoo koray wadanka Mareykanka islamarkaana heysta dhalashada dalkaas, ayaa 8 Febraayo ee sannadkan 2017, madaxweyne loogu doortay dhisme ku yaalla xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu horey uso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamad C/llaahi Farmaajo oo ah nin kusoo koray wadanka Mareykanka islamarkaana heysta dhalashada dalkaas, ayaa 8 Febraayo ee sannadkan 2017, madaxweyne loogu doortay dhisme ku yaalla xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu horey usoo noqday ra'iisulwasaare.


Farmaajo oo isagu ogaa in la dooran doono ayaa sii diyaarsaday NGO-yo dicaayad iyo dibad baxyo u sameeya kuwaas oo ka kala yimid gobolada qaar ee dalka iyo dibadda, taasna waxay keentay in dad badan oo kale ay iskala jaan qaadaan mashxaradda.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa "Beenu raad ma leh” aaway maanta dadkii shalay Farmaajo u sacbinayay? aaway kuwii oranayay Farmaajo ii geeya? halkee bey ka bexeen xildhibaanadii sheegayay in dalku uu barwaaqo gaarayo? Maxaase ka dhaqan galay ballan qaadyadii Farmaajo doorashadiisii kadib?.



MASHRUUCA IGU SAWIR.

90% Wax qabadka dowladda wuxuu noqday in sawir lagu galo qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho kadibna saxaafadda loo qeybiyo iyadoo ujeedadu tahay in dadka loo tuso in madaxdu shaqeynayaan. Laakin taa bilcagsigeeda wuxuu shacabku fahmay in waxa meesha lagu hayo dhallanteed yihiin, waana midda keentay in ay kasoo dhex burqato eray bixinta soo caan baxday ee ah(IGU SAWIR).

Madaxda ugu sarreysa ee dowladda ayaa waxay noqdeen kuwa ku tartama hawlaha yar yar ee dowladda hoose, waxaadna arkeysaa Farmaajo oo taagan waddo laga xaaqayo qashin islamarkaana lasoo sawiray isagoo Badiil heysta.

Su’aashu waxay tahay maxaa micno ah oo uu sameynayaa haddii uu madaxweynuhu qaato badiil iyadoo aaney daacad ka ahayn inuu nadaafad ka qeyb galo oo uu dhididio? Taa micnaheedu sow ma ahan in mashruuca IGU SAWRI uu xannibay hal Badiil oo lagu shaqeyn lahaa.

Inkastoo igu sawirtu ay tahay arrin aan wanaagsanayn ayaa haddana waxay xildhibaanada qaar qabaan iney ku haboonaan lahayd in madaxda iyo laamaha dowladdu ku saleeyaan habka 4.5, oo uu nin walba isku sawiro shaqooyinka isaga hoos yimaada , Haddii madaxweynaha, ra’iisulwasaaraha iyo gudoomiyaha gobolka isku sawiraan xaafad la xaaqayo, muxuu isku sawirayaa gudoomiye waaxeedka laantaas?.

Hab dhaqankan wuxuu noqday mid ay ku fashilantay DF, illaa heer ay arrintu gaartay in baraha bulshada ee Internetka ay ku faafto eray bixinta (IGU SAWIR) lana soo bandhigo sawirro khiyaali ah oo ay Farmaajo iyo saaxiibadii ku galeen wadooyinka, madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha.

HIMADII LOO HAYAY OO HABAAR ISKU BEDESHAY.

Doorashadiisii kadib wuxuu durbadiiba ku kacay mucaarado badan markii uu ku dhawaaqay inuu hubka dhigis ka billaabayo caasimadda, waana midda keentay in dorraad uu xarunta madaxtooyada ka dhoco dagaal askarta dhexdooda ah islamarkaana waji kale wata oo lagu dilay sarkaal sare iyo shan ka tirsan sirdoonka.

Ganacsato iyo siyaasiyiin badan oo ku nool Muqdisho ayaa waxay qabaan tuhun ah in la dhoco hantidooda haddii uu fulo ol’olaha xiisadda taagan kiciyay ee ah hub ka dhigista, waxaana shaki weyn sii abuuray markii isla horraantii usbuucan loo hanjabay ganacsatada.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka sida:- Mahad Salaad oo ka carooday arrintan ayaa wuxuu bartiisa Facebook kusoo qoray inaaney wasiirka amniga iyo saaxiibadii awoodin fulinta hanjabaada ganacsatada Muqdisho, isagoo ku yiri: "dalkan wareegto iyo war-saxaafadeed laguma maamuli karo” Laakin taliyaha BS-ta Sambaloolshe oo ka xajiimooday warkan ayaa isna yiri: "oo waayahaye ma waxaa dalkan lagu maamuli karaa mooshin”.

Labadooduba run bey sheegeen, sababtoo ah laamaha ammaanka waxay ku shaqeeyaan boola-xoofteyn iyo caga jugleyn iyagoo soo xira dadka marrasta ah, halka xildhibaanaduna ku xamaashaan mooshin iyo sharci dajin.

Haddaba haddii uu wax qabadkii dowladda kusoo uruuray IGU SAWIR, WARSAXAAFADEED IYO MOOSHIN, maxaa ummad lagu matalayaa? Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka jira guux ballaaran oo looga soo hor jeedo dowladda, wax kale iska dhaafe dadkii ka qeyb galayay ol’olihii doorashada Farmaajo ayaa iminka habaar lasoo taagan kadib markii laga bixin waayay lacagihii ay ku daganaayeen Hoteellada.

 

Kaamamka ku yaalla Muqdisho waxaa ka jirta gaajo iyo duruuf adag, iyadoo aan la ogeyn halka uu ka baxay dhaqaalihii ay uruuriyeen guddiga gurmadka abaaraha, marka laga reebo lacago boqolaal kun oo doolar ah oo ay jeebka u galiyeen madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada.

275 qof ayaa muddo sadax bil gudahood ah gaajo iyo xanuun ugu geeriyooday kaamka barakacayaasha ee degmada Kaxda sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmada oo saxaafadda inteeda badan la hadlay July 18, 2017. Aqristow haddii hal kaam oo kaliya ay tirada intaa la eg ku geeriyootay, maxaa la filan karayaa iney ku geeriyoodeen kaamamka kale?.

Markii la doortay Farmaajo kadib waxaa gobollada dalka intooda badan ka dillaacay sicir barar ay sababtiisa leeyihiin maamul goboleedyada qaar oo daabacday lacago been abuur ah. Taa waxa kasii daran in magaalooyinka qaar lasoo galiyay lacagta Itoobiya sida:-Caabud-waaq, mana jiro wax la taaban karo oo ay dowladdu ka qabatay arrintaas.

Ugu dambeyntii, markaan qiimeeyay sida ay wax u socdaan, waxaa la filan karayaa inuu dhoco kacdoon shacbi, maadaama aaney manta jirin wax u fayow ummada Soomaaliyeed. Waxaa la heystaa ilahoodii dhaqaalaha, sicirkii ayaa lagu kiciyay, canshuurta iyo baadu wey usii dheer tahay, mana jirto cid ka naxaysa oo aanan ka hayn dhallinyarada ka dagaalamaya dhibaatooyinkaas iyo gumeysiga.

Allaah subxaanahu watacaalaa ayaa umaqan ummada Soomaaliyeed, iyaduna waa iney la timaadaa asbaabaha uu Alle culeyska uga qaado adoomihiisa.

Abwaan Soomaaliyeed Oo Arrinta Igu Sawir Ka Gabyay ayaa yiri sidaan hoose.

Iigu sawir islaamaha iyo ubadka gaajeysan,

igu sawir nin eedaadayoo anan wax siiheynin,

igu sawir agoomaha iyo aabba soco waayay,

igu sawir adeeg uma wadee waan ajarayaaye,

Igu sawir iyagoo il daran yaan ag maraaye,

Igu sawir waxaan uurka jirin yaan akhriyaaye,

Igu sawir akhlaaq xumada baan yaar barayaaye,

Igu sawir islaanimada baan ka ambinayaaye,

Igu sawir alshabaab ha noqon yaan oranayaaye,

igu sawir midkaan ii ilmeyn waa irhaab saxa’e

igu sawir interneydkabaa laga arkaayaaye,

igu sawir inuu aadmigu ogaayo waa guul’e,

igu sawir ajaaniibta baan ula ordayaaye,

 

 

igu sawir misjidkaan iman oon dhex gelayaaye,

igu sawir istooxaarin baan aad u garanaaye,

igu sawir axadkii arkaa wuu acjebayaaye,

Igu sawir oraah been ah baan iih la dhahaaye,

igu sawir inkaar baan qabaa waanad aragtaaye,

Igu sawir nin iimaan la’oo ooman baan ahaye,

Igu sawir ijaabiyo samaan ka indho laabtaa’e,

Igu sawir ardaal baan iyoo aqasu naaskaaye,

igu sawir nin aafeysanoo eex wadaan ahaye,

igu sawir arladiyo baddaan iibinahayaaye,

igu sawir inyar baan ku gadan idil ahaantoode.

igu sawir ilduufkooda baan ku istareexaaye,

igu sawir ibtiliyo dhibbaan ku alxamayaaye,

 

 

igu sawir itaalkeygu waa inaan is muujaaye,

igu sawir wixii aan arkaba way anfacayaane,

igu sawir afkoo furan iyo iligyadoo muuqda,

igu sawir akhyaar maahiye waa orriyaaye,

igu sawir addoon baan ahay lagu aqdaamaaye,

igu sawir amar lay faraan oofinahayaaye,

igu sawir inaan oof badaa wey ekooon tahaye,

igu sawir inaan arax jaraa lay baaabulaye

Hoos Ka Daawo Sawirro aan kasoo aruurinay baraha Bulshada oo ku aaddan Igu Sawir
































W/Q Warfaa Kheyrdoon
Email: [email protected]

Related Items