Dowladda Sacuudiga oo Martiqaad Ufidisay Mid Kamida Hoggaamiyaasha Shiicada Wadanka Ciraaq.

Monday July 31, 2017 - 12:19:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga oo Martiqaad Ufidisay Mid Kamida Hoggaamiyaasha Shiicada Wadanka Ciraaq.

    Xukuumadda Aala Sacuud ayaa wadankeeda ku martiqaadday Hoggaamiyaal shiico ah oo xasuuq daran ka geystay wadanka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Aala Sacuud ayaa wadankeeda ku martiqaadday Hoggaamiyaal shiico ah oo xasuuq daran ka geystay wadanka Ciraaq.



Hoggaamiyaal sarsare oo katirsan xukuumadda Raafidada shiicada Ciraaq ayaa booqashooyin rasmi ah ku tagay dhulka xarameynka iyagoo marti qaad ka helaya xukuumadda daaquud-ka aala sacuud ee xoogga ku heysata dhulalka Barakeysan.

Muqtada Alsadri oo kamid ah wadaadada shiicada kuwooda ugu caansan marka la joogo dalka Ciraaq taariikh madoowna u leh xasuuqa muslimiinta sunniga ah ayaa gaaray magaalada Riyaadh halkaas oo uu kulan kula qaatay Max’med Bin Salmaan wasiirka difaaca Sacuudiga ahna dhaxal sugaha Koowaad ee xukunka la wareegi doono marka uu dhinto Salmaan Bin C/caziiz.



Alsadar ayaa sheegay in martiqaad rasmi ah uu ka helay maamulayaasha Ala Sacuud islamarkaana ay kala hadli doonaan ladagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada iyo iskaashi dhanka ammaanka ah.

Wakaaladda wararka ufaafisa Sacuudiga ayaa sheegtay in socdaalka Alsadar uu yimid kadib martiqaad uu udiray Max’med Bin Salmaan islamarkaana ay labada dhinac kawada shaqeyn doonaan iskusoo dhawaashiyo iyo faham cusub balse faah faahin dheeri ah kama bixin oo ku aaddan waxa uu ku qotomo socdaalka alsadar.

Hoggaamiyaal kale oo katirsan Ururka Xashdiga shiiciga Ciraaq iyo Xeydar alcabaadi ayaa bishii lasoo dhaafay socdaallo ku tagay wadanka Sacuudiga arrinkaas oo ka caraysiiyay muslimiinta dhulka xarameynka.

Aala Sacuud ayaa bilihii lasoo dhaafay wanaajinaysay cilaaqaadka ay laleedahay Yahuudda iyo Shiicada Ciraaq iyadoona liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ku tiimbaraysay Ururo islaami ah oo ka dhaq dhaqaaqa Masar iyo Filasdiin.

Hoggaamiyaashan shiicada ah ayaa sanaddii 2014 waxay soo saareen fataawaadkii caan bay ee farayay maleeshiyaadka shiicada in ay hubka qaataan wixii xilligaas ka dambeeyay ayay shiicadu si xun ugummaadeen kumanaan kun muslimiin sunni ah iyagoona qabsaday magaalooyinkooda sida Muusil iyo tikriit oo larumeysanyahay in xasuuq wadareed ka dhacay.

Muqtada Alsadar ayaa 11 sanadood ka maqnaa magaalada Riyaad sanaddii 2006 xilligaas oo Ciraaq ay ka socdeen dagaalladii lagula jiray ciidanka Mareykanka ayuu hoggaamiyahan shiiciga ah booqday Sacuudiga

Related Items