Khasaaraha Ciidamada Uganda kasoo gaaray Weerarkii Buula Mareer Oo Gaaray 51 dhimasho ah.

Monday July 31, 2017 - 12:32:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Khasaaraha Ciidamada Uganda kasoo gaaray Weerarkii Buula Mareer Oo Gaaray 51 dhimasho ah.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar dhaba-gal ah oo ay ciidamada Al-Shabaab u dhigeen calooshood u shaqaystayaasha Ugaandha ee kamid ah huwanta duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar dhaba-gal ah oo ay ciidamada Al-Shabaab u dhigeen calooshood u shaqaystayaasha Ugaandha ee kamid ah huwanta duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.


Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xarakada  Al-Shabaab ee hogaaminaysay weerarkii shalay lagu xasuuqay Melleteriga Ugaanda (UPDF)  ayaa Shabakada Wararka SomaliMeMo u sheegay in dhimashada ciidamada AMISOM ay gaartay 51 askari kadib maydad hor leh oo lagasoo helay dhulka howdka ah ee u dhexeeya Magaalada Buula Mareer iyo deegaanka Golweyn ee Wilaayada Shabeellada Hoose.



Xoogaga Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigay gabi ahaanba qalabkii millatari ee ay wateen Ciidamada Uganda ee fagaaraha dagaalka lagu gummaaday, waxaana hubka laga qabsaday kujira qoryaha darandooriga u dhaca ee loo yaqaano PKM-ka, Gantaalaha garbaha laga rido ee RPGs-ka loo yaqaano, Hoobiyeyaal kala duwan una badan nooca 60-ga loo yaqaano iyo qalab kale oo aad u fara badan.


SomaliMeMo ayaa ogaatay in Meydadka qaar oo dhabarka laga toogtay lagasoo helay beeraha deegaanka Golweyn halkaas oo dagaalyahanada Al Shabaab ay ku baacsadeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Uganda, mid kamida dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyay in saldhigga AMISOM ee degmada Buula Mareer xalay lageeyay Meydad hor leh oo ku rarnaa laba gaari.


Weerarkii dhabba galka ahaa  ee lagu xasuuqay ciidamada Ugaandha ayaa muujinaya heerka ay gaarsiisantahay shisheeyaha kusoo duulay dalka Soomaaliya, dhammaan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gobollada kala duwan ee dalka waxay wajahayaan go'doomin iyo weeraro joogta ah oo dhiig bax  sababay.

Wixii wararka kale oo arintaan kusoo kordha kala soco SomaliMeMo

Related Items