Sarkaal Katirsan DF-ka Oo Qarax Lagula Beegsaday Degmada Waaberi.

Monday July 31, 2017 - 20:38:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan DF-ka Oo Qarax Lagula Beegsaday Degmada Waaberi.

    Ugu yaraan sedax qof ayaa ku dhaawacantay qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qaraxyada gaadiidka lagu dhejiyo ayaa joogta ka ah Muqdisho
Ugu yaraan sedax qof ayaa ku dhaawacantay qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in sarkaal katirsanaa DF-ka uu dhaawac halis ah kasoo gaaray qarax loogu xiray  gaarigiisa xilli uu ku socdaalayay gudaha degmada Waaberi, Co.Cabdi Cunguf ayaa la xaqiijiyay in dhaawac garaab ah uu kasoo gaaray qaraxa sidoo kale sedax qof oo la socotay gaariga ayaa la sheegay in iyana ay qaraxa ku dhaawacmeen.

Sarkaalka labeegsaday oo la shaqeynayay Maamulka degmada Waaberi ee taabacsan  dowladda Federaalka ayaa qaba Haweenay kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka balse xilligii qaraxu dhacayay xildhibaanadu gaariga lama socon.


Qaraxyada iyo dilalka ka dhanka ah saraakiisha dowlada Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items