Mas'uul katirsanaa Guddiga Doorashooyinka dalka Kenya Oo Meydkiisa Laga Helay Magaalada Nairobi.

Tuesday August 01, 2017 - 09:49:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsanaa Guddiga Doorashooyinka dalka Kenya Oo Meydkiisa Laga Helay Magaalada Nairobi.

    Ninkii mas'uulka ka ahaa doorashooyinka Kenya islamarkana sida gaar ahaa u qaabilsana codaeynta hanaanka qof iyo codka ahaa ee dhinaca Kombiyuutarada ayaa meydkiisa laga helay hoteel kuyaala magaada Nairobi iyadoo isbuuc uun ay ka harsan tahay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chris Musando ayaa ahaa Khabiir dhanka IT-da
Ninkii mas'uulka ka ahaa doorashooyinka Kenya islamarkana sida gaar ahaa u qaabilsana codaeynta hanaanka qof iyo codka ahaa ee dhinaca Kombiyuutarada ayaa meydkiisa laga helay hoteel kuyaala magaada Nairobi iyadoo isbuuc uun ay ka harsan tahay doorashooyinka guud ee dalka Kenya.


Chris Musando, oo guddiga doorashooyinka ee Kenya u qaabilsanaa dhinaca farsamada teknoolajiyada ayaa sameeyay hanaan uu ku sheegay in aan la jabsan Karin codadka lagu keydiyo Kombiyuutarada.

Ninkan ayaa la waayay Jimcihii aan soo dhaafay halka uu jaan iyo cirib dhigay waxaana tan iyo jimcihii booliska ay wadeen baritaanno ku aaddan raadintiisa laakin shalay ayaa meydkiisa lasoo dhigay mid ka mid ah Hoteellada magaalada Nairobi.


"Illa iyo maalintii jimcaha waxaan wadnay baaritaan ku aadan halka uu ku dambeeyo Chriss Musando laakin hadda ayaan meydkiisa soo helnay” ayuu yiri afhayeen u hadalay booliska dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa kusoo waramaysa in meydka Chriss Musando la helay iyadoo ay jirto dil xooggan oo ka muuqdo islamarkaana qaybo jirkiisa ka mid ah ay go’aan yihiin.

Siyaasiyiin katirsan Mucaaradka Kenya ayaa walaac ka muujiyay dilka mas’uulkan katirsanaa guddiga doorashooyinka, Uhuru Kenyatta iyo xisbigiisa ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilka Chriss Musando waxayna tani cabsi gelin doontaa dhammaan kooxaha dadaalka ugu jira in ay hardan siyaasadeed lagalaan xukuumadda hadda talada haysa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items