Dowladda Uganda Oo Qiratay Qeyb Yar oo Kamid Ah Khasaarihii Ciidankeeda Ku Gaaray Dagaalkii Golweyn.

Tuesday August 01, 2017 - 10:54:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Uganda Oo Qiratay Qeyb Yar oo Kamid Ah Khasaarihii Ciidankeeda Ku Gaaray Dagaalkii Golweyn.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Uganda ayaa lagu xaqiijiyay in tobaneeyo katirsan ciidamada Melleteriga wadankaasi looga dilay dagaalkii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay gobolka Sh/Hoose Ee Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Uganda ayaa lagu xaqiijiyay in tobaneeyo katirsan ciidamada Melleteriga wadankaasi looga dilay dagaalkii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay gobolka Sh/Hoose Ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliska ciidanka Melleteriga Uganda ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan UPF ayaa sheegay in 12 askari looga dilay dagaalkii Golweyn halka 7 kale looga dhaawacay, Afhayeenka Melleteriga Uganda ayaa war qoraal ah ku sheegay in ay dhiseen guddi baaritaan ku sameeya khasaaraha dagaalkii Weynaa  islamarkaana uu Megdhaw uraadin doono ehellada Askarta laga laayay.


Warka kasoo baxay dowladda Uganda ayaa umuuqda mid shacabka wadankaasi looga qarinayo khasaaraha lixaadka leh ee kasoo gaaray dagaalkii ay ciidamadoodu lagaleen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in 39 Askari Yugaandheys ah ay ku dileen weerarkii Golweyn balse markii dambe khasaaraha ayaa gaaray 51 dhimasho ah kadib markii Meydad hor leh laga helay dhulka Beeralayda ah ee ku dhow degmada Buula Mareer.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items