Xasan Cali Khayre "Ciidanka AMISOM Waxay Dalka Ujoogaan Sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha Argagaxisada ah".

Tuesday August 01, 2017 - 19:16:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Cali Khayre "Ciidanka AMISOM Waxay Dalka Ujoogaan Sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha Argagaxisada ah".

    Dowladda Federaalka ayaa War tacsi iyo baroor muujinaya kasoo saartay halaaggii ciidamada shisheeyaha Uganda kasoo gaaray dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa War tacsi iyo baroor muujinaya kasoo saartay halaaggii ciidamada shisheeyaha Uganda kasoo gaaray dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

Xasan Cali Kheyre oo ah R/wasaaraha dowladda Federaalka ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ciidamada soo duulayaasha AMISOM uga tacsiyaynayaan khasaarihii lixaadka lahaa ee kasoo gaaray weerarkii ka dhacay deegaanka Golweyn ee duleedka magaalada Buula Mareer.

Kheyre wuxuu muujiyay sida xukuumaddiisu uga naxday ciidamada Uganda laga laayay isagoo AMISOM ku tilmaamay walaalo usoo gurmaday shacabka Soomaaliyeed!.


"Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen. Ciidanka AMISOM waxey diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan wallaalahooda Soomaaliyeed, waana uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh oo ay ugu soo gurmadeen dalkan" sidaas waxaa yiri Xasan Cali Kheyre.

R/wasaaraha dowladda Federaalka ayaa si aan gabaad laheyn u sheegay in ciidamada Itoobiya iyo Kenya oo kamid ah soo duulayaasha AMISOM ay walaalo layihiin dowladda fadhigeedu yahay Villa Somalia iyadoo la ogyahay in ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay yihiin Kirishtan xasuuq ku haya shacabka soomaaliyeed.

"Ciidamada AMISOM waxey wadanka u joogaan in dalku uu noqdo mid amni ah, iyadoo aan ognahay cidda diidan nabadda inay tahay kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka hortaagan inay nabad ku noolaadaan", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Warka Kheyre ayaa marag madoonto ka dhigaya in Hoggaanka Dowladda DF-ka ay yihiin dabadhilifyo ucaysan soo duulayaasha shisheeye, cadowga usoo jireenka umadda Soomaaliyeed ee Itoobiya iyo Kenya ayay ku sheegayaan sokeeye walaalo ah!, halka xoogaga musilimiinta soomaalida ee lahagalmaya cadawgaas ay ku sifaynayaan Argagaxiso Nabad diid ah.

Dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay deegaanka Golweyn ayaa lagu dilay ugu yaraan 51 Askari Yugaandheys ah kadib markii ciidamada Xarakada Al Shabaab ay kolonyo melleteri u dhigeen weerar dhabagal ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items