Wasiir Goodax "Shaati Aadan Laheyn laguma Xarakoodo,Ciidanka Ajnabiga Ah Soomaaliya Dowladnimo Magaarsiin Karaan" Dhageyso.

Tuesday June 10, 2014 - 11:36:07 in Wareysiyo iyo Warbixinno by Super Admin
  • Visits: 1850
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Goodax "Shaati Aadan Laheyn laguma Xarakoodo,Ciidanka Ajnabiga Ah Soomaaliya Dowladnimo Magaarsiin Karaan" Dhageyso.

    Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka ayaa shaaciyay in soomaaliya ay kujirto xaalad gumeysi islamarkaana dowladda uu katirsanyahay aysan laheyn wax awood maamul ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka ayaa shaaciyay in soomaaliya ay kujirto xaalad gumeysi islamarkaana dowladda uu katirsanyahay aysan laheyn wax awood maamul ah.
Cabdi Raxmaan Goodax Barre oo lahadlay warbaahinta afka soomaaliga ku hadasha ayaa shaaciyay in xaalad adag ay ka jirto 8 degmo oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale ee AMISOM qabsadeen bishii Maarso.

"Runtii xaalad adag baa ka taagan 8 degmo oo Al Shabaab laga saaray dhammaantoodna go’doon bay kujiraan waddooyinkii soo gala ayaa xiran waxaan dhihi karnaa xukuumaddu ma awoodo in ay go’doominta ka qaaddo degmooyinkaasi”ayuu yiri Goodax.


Wasiirka arrimaha gudaha ayaa si faah faahsan uga hadlay ciidamada shisheeye ee soomaaliya ku sugan wuxuuna muujiyay in ciidankaasi aysan wax faa’iida ah soo kordhin doonin.

"Dowladdu ciidan awood leh maheysato waxaa ciidan u ah shisheeye cid walbana waa ogtahay in shisheeye garabsi aan dowlad lagu noqon Karin”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar uu soo hadal qaaday ku tiirsanaashiyaha DF-ka ee shisheeyaha wuxuu carrabka ku adkeeyay in ku tiirshanaashiyuhu uu aad u xooganyahay taasina ay dib udhac weyn tahay.

"Shaati aadan laheyn kuma xarakoon kartid waxaa fiican in dhar aad adigu leedihid aroosyada ku aaddid sababtoo ah durbadiiba qofkii lahaa ayaa kaa siibanaya shaatigaasi,sidaasi si lamid ah ciidadan Ajanibiga ah ee dalka ku sugan waxba sooma kordhin doonaan dowladuna ciidan taya leh maheyso” Goodax Barre.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa isna horay u sheegay in dowladda Federaalka aysan laheyn ciidan qaran balse ay adeegsadaan maleeshiyo beeleedyo AMISOM ka hoos shaqeeya.

Related Items