Ciidamada AMISOM Oo Gaari Xamuul Ah Looga Gubay Deegaanka Warmaxan Sh/Hoose.

Wednesday August 02, 2017 - 12:11:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM Oo Gaari Xamuul Ah Looga Gubay Deegaanka Warmaxan Sh/Hoose.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada AMISOM kasoo gaaray weerar markale lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada AMISOM kasoo gaaray weerar markale lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya deegaanka Warmaxan oo qiyaastii 30KM dhanka galbeed uga beegan degmada Afgooye ayaa sheegaya in qarax miino uu qabsaday mid kamida gaadiidka ciidamada AMISOM oo kusii jeeday dhanka Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle.

Warar hordhac ah waxay xaqiijinayaan in gaari xamuul ah oo saad ciidan siday uu ku gubtay qaraxa waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii gaariga la socday, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan kadibna waxaa sheedda sare laga arkay qiic iyo uura madoow oo cirka isku shareeray.



Ciidamada AMISOM ayaa khasaara xooggan kala kulmaya weerarada uga imaanaya Xoogaga Xarakada Al Shabaab marwalba oo ay sahay melleteri isugu gudbinayaan waddooyinka laamiga ah ee mara gobolka Sh/Hoose.

Axaddii lasoo dhaafay weerar ka dhacay deegaanka Golweyn ee duleedka magaalada Buula Mareer ayaa sababay dhimashada 39 Askari ugu yaraan waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items