Khubaro Melleteri Oo Dowladda Jabuuti Ay Ku Weysay Shil Diyaaradeed [Warbixin].

Thursday August 03, 2017 - 12:04:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khubaro Melleteri Oo Dowladda Jabuuti Ay Ku Weysay Shil Diyaaradeed [Warbixin].

    Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in khasaara dhimasho ah uu ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabuuti ayaa qeyb ka ah duullaanka Somalia lagu qaaday
Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in khasaara dhimasho ah uu ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga Jabuuti.


Shilka diyaaradeed oo shalay gelinkii dambe ka  dhacay agagaaka garoonka diyaaradaha Jabuuti waxaa ku dhintay Saddex Saraakiil Jabuutiyaan ah oo isugu jira Rag iyo Haween sida lagu xaqiijiyay war rasmi ah oo kasoo baxay dowladad Jabuuti.

Sedaxdan sarkaal ee ku dhintay shilka diyaaradeed waxaa kamid ah duuliyihii diyaaradda iyo laba sarkaal, xilligii diyaaraddu dhacaysay ayaa la sheegay in ay ku guda jirtay layli sarkaalnimo.


Saraakiisha dhintay ayaa  lagu kala magacabi jiray  Ibraahim Cabdullaahi Geelle, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed oo kamid ahaa ciidamada Cirka Dowladda dabadhilifka Jabuuti.

Cali Xasan Bahdoon oo ah wasiirka difaaca Jabuuti ayaa Taczi u diray ehellada ay ka geeriyoodeen saraakiisha sida uu faafiyay Telefeshinka Afka Xukuumadda ku hadla.

Nin khabiir melleteri ah ayaa la sheegay in dowladda Jabuuti ay ku weysay shilka diyaaradeedna waana Co.l Ibraahim C/llaahi Geele oo muddo 40 sano ah ka tirsanaa ciidamada militariga dalkaasi islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay melleteriga Jabuuti.

Dhimashada saraakiishan soo gaartay ayaa imaanaysa xilli Jabuuti ay dagaallo culus uga jirto dalka Soomaaliya islamarkaana xiisada colaadeed ay kala dhaxeeyaan dowladda Ereteria ee dariska la ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items