Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Bay iyo Bakool.

Thursday August 03, 2017 - 20:18:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Bay iyo Bakool.

    Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in weerar qarax oo khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan xabashida gumeysiga Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore Uuraal laga gubay ciidanka Itoobiya sanadii 2007
Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in weerar qarax oo khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan xabashida gumeysiga Itoobiya.

Maanta Duhurkii ayaa kolonyo katirsan ciidamada Itoobiya qarax xooggan ku qabsaday wadada xiriirisa degmooyinka Baydhabo iyo Waajid, Wariye Cali Yare oo ku sugan gobolka Bay ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in qaraxu uu burburiyay gaari Uuraal ah oo wateen ciidamada Itoobiya.

Ugu yaraan Afar askari Itoobiyaan ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa iyadoona burbur xooggan uu gaaray gaariga la beegsaday, ciidamo Itoobiyaan ah oo sedax maalin ka hor kasoo kala dhaqaaqay magaalooyinka Baydhabo iyo Waajid ayaa wajahaya weeraro uga imaanaya ciidamada Xarakada SHM.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dhanka Waajid kasoo dhaqaaqay ay horraantii isbuucan ka yimideen dhanka Itoobiya waxayna sahay ugelbinayaan dhanka magaalada Baydhabo, ilo wareedyo ayaa sheegaya in hareeraynta saaran magaalooyinka cadowgu qabsaday ay sababtay in isku gudbinta sahayda ay noqotay shaqada ugu muhiimsan ee shisheeyuhu ka hayaan Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items