Guddoomiyihii Gobolka Galguduud Oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda.

Friday August 04, 2017 - 22:50:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Gobolka Galguduud Oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda.

    Kadib Howlgal qorshaysan oo caawa fiidkii ka dhacay degmada Yaaqshiid ee waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa lagu khaarijiyay mas'uul sare oo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Max'med Cali Cilmi guddoomiyihii Galguduud
Kadib Howlgal qorshaysan oo caawa fiidkii ka dhacay degmada Yaaqshiid ee waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa lagu khaarijiyay mas'uul sare oo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran ay xaafadda Carafaat ku dileen Max’med Cali Cilmi oo ahaa guddoomiyihii gobolka Galguduud ugu magacaawnaa Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

"Ciidamada Mujaahidiinta ayaa caawa howlgal gaar ah ku dilay Max’med Cali Cilmi oo kooxda Ridada ugu magacaawnaa gobolka Galguduud, wuxuuna howlgalku ka dhacay degmada Yaaqshiid” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Max’med Cali Cilmi ayaa lagu bedelay Xuseen Wehliye Cirfo oo horay u ahaa guddoomiyaha gobolka Galguduud ee dowladda Federaalka, waa mas’uulkii ugu sarreeyay ee lagu dilo magaalada Muqdisho tan iyo markii madaxweyne uu noqday Max’med Cabdullaahi Farmaajo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items