Gudoomiyihii Leego "AMISOM iima Sheegin Marki Ay Baxayeen Waana La Isoo Eryaday" [Dhageyso].

Saturday August 05, 2017 - 11:00:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii Leego "AMISOM iima Sheegin Marki Ay Baxayeen Waana La Isoo Eryaday" [Dhageyso].

    Gudoomiyihii degaanka Leego ee DF, Abuukar Cabdullaahi Isaaq oo aan wareysanay ayaa ka war bixiyay xaaladda deegaanka iyo sababta keentay in sadax maalmood kadib weerarkii Golweyn ay ka baxaan ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihii degaanka Leego ee DF, Abuukar Cabdullaahi Isaaq oo aan wareysanay ayaa ka war bixiyay xaaladda deegaanka iyo sababta keentay in sadax maalmood kadib weerarkii Golweyn ay ka baxaan ciidamada shisheeye.


Wuxuu sheegay in aanay saraakiisha shisheeye ee Uganda kusoo war galin iney magaalada ka baxayaan, balse uu si duul duul ah ku maqlay islamarkaana uu haatan ka naxsan yahay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maamulayaan magaalada.

Wuxuu intaasi ku daran in ciidamadiisii ay iyaguna raaceen askarta shisheeye. Mar aan weydiinay jagada hadda kadib lagu magacaabayo maadaama maamulkii Leego ay la wareegeen Al-Shabaab ayaa waxa uu sheegay in lasoo eryaday laakin aanan laga qaadin jagada sidaa darteedna uu yahay gudoomiye!.



Halkan Ka Degso Wareysiga Gudoomiyaha Leego

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items