SAWIRRO: Al Shabaab Oo Soo Bandhigtay Gaari Ay Ka Qabsatay Xisbiga Jubillee Ee Madaxweynaha Kenya.

Saturday August 05, 2017 - 11:42:36 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Al Shabaab Oo Soo Bandhigtay Gaari Ay Ka Qabsatay Xisbiga Jubillee Ee Madaxweynaha Kenya.

    Xarakada Al-Shabaab oo gaari uu leeyahay Xizbiga Jubillee ee uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ku afduubtay Mandheera Iyo Al-Shabaab oo weeraray kooxda Ololaha doorashooyinka ee Jubillee, waxay ahaayeen canaawiinta ugu horeysa ee warbaahinta dalka Kenya dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab oo gaari uu leeyahay Xizbiga Jubillee ee uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ku afduubtay Mandheera Iyo Al-Shabaab oo weeraray kooxda Ololaha doorashooyinka ee Jubillee, waxay ahaayeen canaawiinta ugu horeysa ee warbaahinta dalka Kenya dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab ka howlgala gobolka NFD ay wadada u galeen cadowga, soona ganiimeysteen mid ka mid ah gawaarida Xizbiga Jubillee xilli uu ka qeybqaadanayey Ololaha doorashooyinka ee lagu taageerayey madaxweynaha hadda jooga.



Waxay warbaahinadu tabinayeen in gaariga uu ku dhacay gacanta Al-Shabaab balse aysan ‘Mujaahidiintu’ si rasmi ah kaga hadlin howlgalka, lana ogeyn halka lala aaday balse si lama filaan ah mu’asasada Al-kataa’ib oo iyadana todobaadyadii la soo dhaafay waday Olole-warbaahineed ka dhanka ah doorashooyinka dalka Kenya ayaa soo saartay muuqaal kooban oo lagu soo bandhigayo gaariga iyo fariimo muhiim ah oo ku socda Muslimiinta.



Gaariga waxaa ku Xardhan astaanta xizbiga Jubilee iyo Sawirada Uhuru Kenyatta, Waxaana sidoo kale ku qoran magaca musharax xildhibaan oo ka tirsan Isbaheysiga uu hogaamiyo madaxweynaha hadda jooga.

Filimku wuxuu soo bandhigayaa gaariga oo dhex socda dhul howd ah oo aan la shaacin halka uu yahay, waxaana dusha sare ka saran dagaalyahano Muhaajiriin ah oo ka soo jeeda dalka Kenya kuwaas oo xaqiijinaya in gaariga lagasoo ghaniimeystay dowladda Kenya, Muslimiinta u tilmaamaya taagdarrada Nidaamka Nairobi iyo sida ay gaadiidkooda kaga cararayaan marka ay la kulmaan geesiyada Islaamka.

"Walaalayaal kaca oo baraaruga oo soo haajira. Imaada oo arka sida ay gaaladu kaga cararayaan fagaarayaasha dagaalka sida uu Allaah Qur’aanka ku sheegay” sidaas waxaa oranaya mid ka mid ah dagaalyahanada ka soo muuqday Filimka.







Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items