Qaraxyo 7 Askari looga Dilay Maamulka Koonfur Galbeed iyo Itoobiya Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo.

Saturday August 05, 2017 - 12:33:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo 7 Askari looga Dilay Maamulka Koonfur Galbeed iyo Itoobiya Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara xooggan dhaliyay lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah xilli ay ku socdaalayeen duleedka magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara xooggan dhaliyay lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah xilli ay ku socdaalayeen duleedka magaalada Baydhabo.


Qaraxa koowaad ayaa haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya kuwaas oo kasoo amba baxay degmada Waajid ee gobolka Bakool kunasii jeeday magaalada Baydhabo.

Wariye Cali Yare oo ku sugan Gobolka Bay ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in gaariga uu qaraxu haleelay gabi ahaantiisba uu burburay waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii saarnaa, dhimashada ciidamada Xabashida ayaa lagu sheegay in ay gaartay sedax Askari iyo dhaawaco tobaneeyo kale.


Dhinaca kale qarax ka dhacay gudaha deegaanka Goofguduud Buuray waxaa ku dhintay 4 Askari oo katirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed isku magacaabay ee Shariif Sakiin madaxda ka yahay.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamada oo watay Moota Bajaaj ay miino kula kacday gudaha Goofguduud mana jirin wax ka badbaaday qaraxa qabsaday Moota Bajaajta.

Ciidamada gumeysiga Itoobiya oo Afar maalmood ka hor kasoo dhaqaaqay degmada Waajid ayaa inta ay wadada kujiraan waxay la kulmeen laba weerar oo looga dilay 7 askari islamarkaana 2 gaari looga gubay, dhammaan magaalooyinka gacanta cadowga galay ee Gobollada Bay iyo Bakool waxaa saaran hareerayn raagtay, sahayda ayay Itoobiyaanku ku geystaan magaalooyinka diyaarado marmarka qaarna dhanka dhulka ayay isticmaalaan balse waxay la kulmaan dhiig bax joogta ah.

Ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay dagaalka ugu daran waxay ugalaan sidii ay sahay isugu gudbin lahaayeen waxaana meesha ka baxay ujeedkii duullaankooda oo ahaa in ay la dagaallamaan xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items