Sawirro: Al Shabaab Oo Toogatay Mid Kamida Maxaabiistii Ciidanka Kenya Ee Lagu Qabtay Dagaalkii Ceel-Cadde.

Saturday August 05, 2017 - 22:11:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab Oo Toogatay Mid Kamida Maxaabiistii Ciidanka Kenya Ee Lagu Qabtay Dagaalkii Ceel-Cadde.

    Mu'asasada Al-kataa'ib, Garabka warbaahineed ee xarakada Al-Shabaab ayaa caawa baahisay muuqaal video ah oo cinwaan looga dhigay "Xaqiiqda qaraar. Fariintii u dambeysay ee maxbuus lagu qabtay Ceel-Cadde oo uu dalkiisu dayacay".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-kataa'ib, Garabka warbaahineed ee xarakada Al-Shabaab ayaa caawa baahisay muuqaal video ah oo cinwaan looga dhigay "Xaqiiqda qaraar. Fariintii u dambeysay ee maxbuus lagu qabtay Ceel-Cadde oo uu dalkiisu dayacay".



Filimkan ayaa lagu soo bandhigayaa maxbuus Kenyaati ah oo fariintii ugu dambeysay u diraya dadkiisa Islamarkaana ugu dambeyntii la khaarijinayo.

Muuqaalkan oo la daawan karo muddo 13 daqiiqo ah ayuu maxbuusku kula hadlayaa dadkiisa, dowladiisa, eheladiisa iyo saaxiibadiisa.

Fariinta Maxbuuska.



Marka uu dhameeyo wixii fariin iyo dardaaran ah ee uu u hayo dadkiisa iyo dowladiisa ayaa waxaa soo dul istaagaya dagaalyahan katirsan Al Shabaab oo aad u qalabeysan, ka dibna dhowr xabadood ayaa looga dhufanayaa madaxa iyo qeybaha sare ee jirka.

Dhamaadka filimka, waxay Mu’asasada Al-kataa’ib dadka Kenyaatiga ah dib u xusuusisay in Maxbuuskan uusan ahayn maxabuuska kaliya ee ku jiray gacanta Mujaahidiinta balse ay jiraan maxaabiis kale oo weli ku harsan jeelka Xarakada.

FG: Video-ga sooma gudbin karno sababa la xiriira muuqaallo adag oo ku jira

Hoos Ka Daawo Qaar Kamid Ah Sawirrada.





http://somalimemo.net/sawirro/xaqiiq1.jpg

Related Items