Waa Sidee Xaaladda Deegaanka Leego Kadib Bixitaankii Ciidanka AMISOM?.

Saturday August 05, 2017 - 22:10:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Xaaladda Deegaanka Leego Kadib Bixitaankii Ciidanka AMISOM?.

    Xaalad deganaan ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaanka Leego ee gobolka Sh/Hoose Maalin kadib markii ay la wareegeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad deganaan ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaanka Leego ee gobolka Sh/Hoose Maalin kadib markii ay la wareegeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.


Kulamo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo mas'uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Sh/Hoose ayaa maanta ka dhacay Leego waxaana kulamadaasi looga arrinsanayay isbedelka dhanka maamulka ah ee magaalada kuyimid.

Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Leego ayaa soo dhoweeyay dib uxureynta deegaankooda oo ciidamada shisheeyaha AMISOM ay isaga baxeen aroornimadii maalintii Jimcaha 4,Augst,2017.



Leego oo qiyaastii 130KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho dib uqabsashada xarakada Al Shabaab waxay ciriiri gelinaysaa ciidamada Xabashida Itoobiya ee xoogga ku jooga magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo.

Ciidamadii Uganda ee shalay ka baxay Leego ayaa gaaray deegaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho halkaas oo ay ugasii gudbi doonaan Xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin dalka Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items