Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Dhamase Ee Dalka Kenya.

Sunday August 06, 2017 - 08:23:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Dhamase Ee Dalka Kenya.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida Kenya Gumeysato ee (NFD) ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday deegaan ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Booliska Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida Kenya Gumeysato ee (NFD) ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday deegaan ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Booliska Kenya.

Xalay fiidkii ayay ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab waxay weerar ku qaadeen deegaanka Dhamase qeybta Kenya, dagaal waqti kooban socday kadib ciidamada weerarka qaaday ayay usuurta gashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay muddo saacada ah maamulayeen deegaanka Dhamase sida ay faafisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in xoogaga Al Shabaab ay gubeen xaruntii shirkadda isgaarsiinta Safaaricom ay ku laheyd Dhamase, dadka deegaanka ayaa sheegay in anteenada shirkadda ay dhulka kusoo dhacday islamarkaana lagubay matooradii iyo qalabkii xarunta yiillay.

Tobaneeyo katirsan ciidamada Booliska Kenya oo ku sugnaa Dhamase ayaa isaga firxaday deegaanka xilligii uu dagaalku socday, Waa Markii 2-aad oo Al Shabaab ay dagaal ku qabsadaan Dhamase islamarkaan ay burburiyaan xarunta Safaricom ee deegaankaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items